crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Magaalada Haramcadka iyo Dadku ay Nabad ku wada joogaan + Sawiro. | HimiloNetwork

Magaalada Haramcadka iyo Dadku ay Nabad ku wada joogaan + Sawiro.

MUQDISHO (HN) — Magaalo Hindiya ku taalla, Duurjoogta siiba Haramcadka iyo dadku waxaa waagu ugu baryaa iyaga oo ag jiifa. Bera waa magaalo kamid ah gobalka Rajasthan. Waxayna caan ku tahay in dadka iyo haramcadyadu ay ku wada nool yihiin nabad.

Hindiya waa dal kamid ah kuwa ugu tirada badan caalamka; waxaana sidoo kale ay hoy u tahay noolayaal badan oo duurjoog ah. Meel badanna, waxaa ka jira dhaqan kala soocnaan ah oo ka dhaxeeya dadka iyo duurjoogta, marka laga reebo Bera oo qarni ku dhow lagu yaqaan in hamarcadkeeda iyo dadkeeduba ay nabad ku wada nool yihiin.

Waxaana la yiraahda magaalada Haramcadka. Waxaana ku nool xubno aan yareyn oo qoyskaas kamid ah oo lagu qiyaaso inay gaarayaan 100. Laakiin nabad ku wada noolaanshiyaha dadka Bera kala dhaxeeya duurjoogta, waxay usoo jiiday caannimo iyo dabcan lacag. Waxaana ay mararka qaar dalxiisayaasha taga ay lacag uga qaataan inay kusoo wareejiyaan duleedka magaalada.

Dheeraj Mali, oo ah sawirqaade ku nool Bera ayaa sheegay in dabeecadda Haramcadka ku nool Bera ay wax weyn ka beddeshay muddada soo jireenka ah oo ay ku ag negaadeen bulshada degmada – taasina ay la timid inaysan horor u noqon sida duurjoogta kale ee keymaha ku nool.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!