crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> La kulan – 7 jirkii noqday Milkiile iyo Maareeye Bangi oo uu Isagu iska leeyahay! | HimiloNetwork

La kulan – 7 jirkii noqday Milkiile iyo Maareeye Bangi oo uu Isagu iska leeyahay!

Lima (Himilonetwork) – Carruur badan waxay ku riyoodaan inay noqdaan hal-hindiseyaal ‘entrepreneur’ marka ay qaangaaraan. Jose Adolfo Quisocala Condori, oo ah wiil u dhashay dalka Peru, wuxuu bilaabay Bangi gaar u ah carruurta oo ay ku keydsan karaan lacagahooda markii uu jiray toddobo sano. Maanta, Bangigiisa waxaa ku xiran macmiil gaaraysa 2,000, wuxuuna bixiyaa dhowr nuuc oo adeegyada maaliyadda kamid ah.
Jose wuxuu fikraddan helay lix sano kahor kaddib markii uu garowsaday in badi saaxiibadiisa ku qeyrka ah ay lacagahooda ku gataan macmacaan, iyo agabyo lagu dheelo, halkii ay wax faa’iido u leh mustaqbalkooda ku maal-geshan lahaayeen.
Walow uu da’ ahaan aad u yaraa, haddana wuxuu fahmay in keydsiga lacagta iyo isku dubba-ridka hannaanka maal-geshiga maaliyadeed ay yihiin laba hab oo  dadka waaweyn – sida waalidkiisa – ay ku xaliyaan dhibaatada xagga maaliyadda ee soo wajahda. Sidaas darteed, wuxuu fikraddan isku tusay in carruurtana ay ka faa’iideysan karaan.
Kaddibna wuxuu bilaabay inuu ka fikiro waddo ay carruurtu ku sameyn karaan lacag – iyaga oo ka madax-bannaan waalidiintooda. Jawaabtiisana wuxuu ka dhex helay dib-u-adeegsiga qashinka ‘recycling’. Jose wuxuu ogsoonaa inuu waddadii uu ku saxnaa ku taagan yahay, wuxuuna la wadaagay barayaashiisa. Waxaase loo sheegay in toddobo jir uusan mashruucan oo kale suura-gelin Karin. Balse wuxuu u caddeeyey inay ku qaldanaayeen aragtidaas.
“Bilowgii hore, macalimiintaydu waxay ii heysteen inaan waalanahay,” ayuu yiri. “Si fiican uma fahmin inaan mustaqbalkeenna berrito maanta aan ka bilaabi karno. Waxaase aan wali helay kaalmada maamulaha iyo ku-xigeenkiisa. Saaxiibadayda fasalkana waxay igu soo tuuri jireen dhagaxyada cabsi-gelinta iyo niyad-jabka.”
Jose kaddibna wuxuu helay Bangiga Bartselana Student Bank kaas oo uu ka dhisay degmadiisa Arequipa, sannadkii 2012. Fikradda Bangiga waa mid iska sahlan. Carruurta waxaa laga rabaa inay la yimaadaan shan kilogram oo qashin ah sida balastikada iyo wixii lamid ah oo – intaas kaddibna – dib u habeeyaan. Bil walba – si ay usii joogteeyaan xubbinimada Bangiga – waxaa sidoo kale laga rabaa in hal kilo oo qashin ah soo ururiyaan.
Intaas kaddib waxay sameysanayaan saving goal, waxayna la bixi karaan lacagtooda marka ay gaaraan tirade ugu badan oo ay lacag ugala bixi karaan koontada uga faran Bangiga.
7 sano jirkana wuxuu kaddibna heshiis la galay shirkadda dib u farsameysa qashinka aan dhamaatiga gelin sida balaastikada, waxayna macmiisha Bangiga Bartselana qiimo fiican uga iibsataa halkii kilogaram oo qashin ah halkaas oo lacagtooda toos loogu shubo koontadooda bangiga. Si loo hubsado in carruurtu yihiin kuwa kaliya ee ka faa’iidaya dhididkooda, waxaa kaliya koontada lacag kala bixi kara iyaga. Loomana oggola in waalidiintu ay usoo bixiyaan amaba la socdaan dhaqdhaqaaqa koontada ilmahooda.
 Intii u dhaxaysay sannadkii 2012-13, Bangigani wuxuu soo ururiyay hal tan oo qashin ah oo ka kala timid 200 oo ardaydiisa la dhigata iskuulka ah. Guulaha hordhaca ah oo uu ka gaaray mashruuciisa awgeed, wuxuu kusoo jiitay indhaha Bangiga weyn ee dalkiisa Peru. Waxaana hadda isaga oo kaashanaya Peru National Bank uu helayaa macmiil badan oo carruur ah oo dalka qeybihiisa kala duwan uga soo biiraya.
Hadda Bangiga Bartselana wuxuu taniyo markii la aas’aasay sameynayaa kobac muuqda. Waxaana sannad walba kusoo biiraya macmiil cusub oo u dhaxaysa da’aadda 8-18 jirka.
In kasta oo bilowgii hore Bangiga uu qaban jiray keydka lacagta carruurta, hadda wuxuu bixiyaa adeegyo kale oo dhowr ah sida maal-gelinta, amaahda iyo ceymiska.
Jose wuxuu si adag u aaminsan yahay in is-beddel dhab ah lagu gaari karo safarka hore ee nolosha oo aan loo baahneyn in lala sugo da’da 20 jirnimada wixii ka danbeeya.
Guusha uu soo hooyay awgeed, Jose wuxuu ku guuleystay billado dhowr ah oo isugu jira heer qaran iyo heer caalami ah intaba. Waxaana uu dayax iftiimaya u noqday nolosha dhalinyarada ku nool Latin America gaar ahaan dalkiisa Peru.

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
Kala xiriir: farriin-danabeed; hiraal86@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!