crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> La-yaab: Sheekada Wiilkii la baxay Xarfaha Alifbeetada ee ABCDEF. | HimiloNetwork

La-yaab: Sheekada Wiilkii la baxay Xarfaha Alifbeetada ee ABCDEF.

MUQDISHO (HN) — 12 jir ku nool gobalka Sumatra, dalka Induniisiya ayaa ka yaabiyay caalamka kaddib markii la ogaaday in magaciisa dhabta ah la yiraahdo ABCDEF GHIJK – oo ah xarfaha alifbeetada.

Isaga oo ka qeybgalayay arahsi ama dalxiis gaaban oo ay soo agaasintay Maura Enim, waxaa ka qeybgalayaasha la-yaab ku noqotay inay maqlaan magaca da’yarkan oo loogu yeerayo Abcdef Ghijk. Waxaana uu sitay kaarkiisa aqoonsiga oo magacaas ugu qoran. Durbana waxaa sheekadiisa ay ku baahday baraha bulshada.

Wiilkan yar ayaa sheegay in markii hore dadku ku qosli jireen kuna jeesjeesi jireen magaciisa, hayeeshe, uu kolkii dambe la-qabsaday kuna caanbaxay. Hadda wuu ku faanaa xaqiiqdii. Waxaana uu xattaa usoo gaabiyaa magaciisa Adef si dhawaaqu ugu fududaado inta aan wada karin.

Aabbaha inankan,  Zulfahmi wuxuu sheegay in lix sanno kahor dhalashadiisa uu magacan u diyaariyay wiilkiisa. Waxaana sida uu sheegay ay tani qeyb ahaan muujinaysa jaceylkii iyo doonistiisii weyneyd oo uu u qabay inuu qoraa noqdo. Kumana ekaanin halkiisa inan. Wuxuu kii kale oo u dhalanaya sheegay inuu ula baxayo isna NOPQ RSTUV. Midka ku xigana loogu yeeri doono XYZ.

Laakiin laga yaabee inaysan afadiisu la dhicin qorshihiisaas. Waxayna dooneysa in wiilasha u dhalan doona loo bixiyo magacyada kala ah Ammar iyo Attur.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!