crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Xurriyatul-qowl ma xad-gudub baa? | HimiloNetwork

Xurriyatul-qowl ma xad-gudub baa?

Muqdisho (Himilonews) – Markii Ilaahay abuuray Aadam, Xaawana feertiisa ka beeray waxaa loo dejiyay nidaam iyo sharci, waxaana loo sheegay silsilad loogu tala-galay inay ku dul-wareegtaan oo la’amray inaysan dhinac uga ciirin.  Waxaa la dejiyay halkii ugu wanaagsanayd ee noole ku sugnaado – Jannada, laakin nasiib-darro markii ay dhinac uga ciireen tubtii loo jideeyey, waxay kaliftay inay kala irdhoobaan; lumiyaan meeshii ugu nolol fiicnayd. Taasina waa albaabka qof walba uu mutaysan karo markuu ku xad-gudbo xeerkii la isku ogaa.
Arrintaa waxa ay sababtay in loo dejiyo dunidan maanta ku nool nahay. Waxa ay wareegto oo qarniba qarni jaro; sanadba sanadka ka danbeeyo oo loolan dheer loo kala galay mudnaanta sare ee nolosha, waxay timid xilli dowlado ay taliyaan dadkana la kala suntaday oo qof walba waddan uu ku abtirsado yeeshay.
Dal kasta wuxuu dhistay dowlad isaga u gaar ah iyo jaranjar qof walba uu meel ka degan yahay.
Si dadkaas wada saaran sallaanka, laakin mid kasta uu meel ka joogo ay isku fahmaan waxna isugu sheegaan, waxa ay dowladaha qaar dejiyeen xeerar iyo nidaam ay dadku ku kala soofaan ‘arooraan’.
Xeerarkaas waxaa kamid ah xeerka xurriyatul-qowlka.
Xurriyatul-qowl macnihiisa guud waxa ay tahay; ‘Hadal ay cabsi ka maran tahay ama qofku in uu hadlo isaga oo aan jawaab celin cabsi ah dareemayn.’
Midaasi oo micnaheeda ay si qaldan dad badan u fahmeen, mararka qaar ayaad arkaysaa qof ku xad-gudbaya qof kale isaga oo si gaar ah wax uga sheegaya. Kolka aad weydiiso ‘Maxay tahay sababta aad u cayday ama ugu xad-gudubtay waxaa uu durbadiiba lasoo boodayaa ‘Ha i caburin – ee xurriyatul-qowlka ilaali.’
Xuriyatul qowlka ma xeer xaaranta fasaxaa?
Ma sidii tusbax furmaa?
Maku xad-gudub naf kalaa?
Haddii wax walba oo aadamigu uusan jeclayn in lagu yiraahdo aad dadka ku leedahay, marka lagu war-celinaya aad oranayso: ‘Ha i caburin’, soo ma ahan xurriyatul-qowl aad xad-gudub ku raadisay?!
Qore: Ali Abdulle Hilowle.
Kala xiriir: farriin-danabeed; calikaafi9@gmail.com.
——-
Aragtida ku sugan faalladan kooban, waxay gaar ku tahay qoraaga. Kamana turjumayso siyaasadda tifaf-tireed ee Himilo FM.
F.G: Faalladaan waxaa markeedii hore lagu daabacay mareegta radiohimilo.so
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!