crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> La kulankayga Mama Asli Calanside. | HimiloNetwork

La kulankayga Mama Asli Calanside.

Muqdisho (Himilonews) – Galab gaabad casir liiq ah ayay aheyd markii aan fool-ka-fool isku aragnay aniga iyo Asli Calanside oo ku dhawaad saddex toddobaad aan ku howlanaa la kulankeeda, Axmed Cabaade oo la dhashay Asli ayaa ahaa isku xiraha labadeenna in kasta oo uusan inala joogin galabkaas.
Maqal iyo muuq aan warbaahinta nuucyadeeda kala duwan dhaafsiisnayn ayaan ka garanayay Asli iyo taariikh ahaan inay tahay gabadhii Africa iyo Carabta ugu horreysay ee xirata darajada Kabtanka ‘Captain’ ee duuliya-nimada.
Mid kamid ah hoteellada Muqdisho ayuu ka dhacay kulankeenna. Ujeedku waxa uu yahay in aan ku waraysto barnaamijka Raadreeb oo ka baxa Idaacadda Himilo ‘dhaxalna looga reebo hal-doorka bulshadeenna’.
Rag ay da’adoodu ka weyn tahay 50-jir aanse sixi karin sanad aan ku qiyaaso ayay la fadhisay barxadda hotelka, durbaba markii aan dul tagay dhoolla caddeyn, salaan iyo xaal wareysi ayay igu bilowday dabadeedna iga codsatay in aan gudaha u dhaafo oo aan ku sugo salootada ‘fadhiga’. Dhowr daqiiqo kadibna waa ay ii timid oo si ka qurux badan sidii hore ayay igu qaabishay.
Maqrib ayaa soo dhawaa xoogaa sheeko ah kadib, waxaan u sharraxay habka iyo daqiiqadaha uu qaadan karo wareysiga. Waxa ay ii sheegtay inay af-xirantahay ‘soon sunno ah’, waxaan ka codsaday Salaadda iyo Afurka kadib in uu noqdo wareysigeenna islamarkaana waqti diyaar-garaw ah ay qaadato; weyna iga aqbashay.
Maqribka ka dib
Laga bilaabo qeybtaan qoraalkeyga waxa aan ku adeegsan doonaa Maama Asli oo aan uga gol-leeyahay muujinta heerka ay ka taagan tahay aqoonta duuliya-nimada marka la barbar dhiggo hal-doorka dumarkeenna.
Maama Asli magaceeda oo dhameystiran waa ‘Asli Xasan Cabaade’, dhalashadeeda waa 1 January sanaddii 1958, waa duuliye sare oo ka tirsanayd Taliska Ciidanka Cirka ee Xukuumaddii Kacaanka; waa dhaqtarad cudurrada guud ku gaarowday; waa daaci diinta Islaamka ku soo dartay 13 ruux. Dhowr luqadood ayay ku hadashaa sida; Italy, Arabic, English, French, Germany oo ay sii dheer tahay luqadda Hooyo. Waa u dhaq-dhaqaaqe arrimaha bulshada oo madax u ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka ay ka degan tahay Maraykanka. Waa bare soo saaray  duuliyaal la shaqeeya shirkadaha ugu waaweyn dhanka duulimaadka dalalkooda. Waa gabadhii ugu horreysay ee huwata calanka Soomaaliyeed burburkii kadib; jeer ay adkeyd in lasoo muujiyo ayayna ku kasbatay naaneysta ah Asli Calanside.
Waxa ay ii sheegtay inay af-u-tahay dhammaan inta caawinta weydiisata halka ay kaga nooshahay Maraykanka, aadna ay isku garab taagto dhallinyarada taas oo aan xaqiiqsaday markii ay ila wadaagtay inay dartay u baajisay kulan ay la lahayd madaxda ciidamada cirka.
Saacad wareysiya kaddib waxa inoo bilowday sheeko dheer oo qaadatay in aan ka yarayn waqtigii wareysiga, dhiirri-gelin, waano, wacdi iyo dardaaran ayuuna warkeennu u badnaa oo dhanka Maama Asli iiga imaanayay taas oo igu qasabtay in aan ka sameeyo maqaalkaan marka laga taggo xogtii aan ugu tala-galay barnaamijka.
Waxay ii sheegtay badi waqtigeeda inay jeceshahay kaligeed inay qaadato si ay uga dheeraato fadhi-ku-dirirka caadada u noqday dadka qaar. “Masaajidda oo kale ayaan jeclahay in aan ku cibaadaysto waana dhibsadaa marka aan waayo masjid aan lahayn goob dumarku ku tukadaan,” ayay ii raacisay.
“Carabta iyo ajaanibta aan iskula noolnahay gobolka aan ka deganahay Maraykanka waa isoo wargeliyaan marka ay arkaan qof u jilcan diinta Islaamka si aan ugu dhiirri-geliyo inuu soo Islaamo,” ayay mar kale warkeeda iigu soo dartay iyada oo ii muujinaysa in dacwada aysan xilli u lahayn.
Maama Asli dhanka saxaafadda mar aan isla soo hadal qaadnay aad ayay u amaantay dhalinta mar walbaa ku howlan u shaqeynta bulshada, ‘waan ku faraxsanahay dhallinyarada quruxda badan, firfircoon  haddana howlkarka ah.’ ayay si qiirro leh igu tiri.
‘Marar badan ayaan ka murgay ugaarsiga lagu hayo saxaafadda, murug aan la qiyaasi karin ayaan dareemayay marka aan arko saxafi la dilay ama la dhaawacay balse Alle mahaddii dhawaanahaan ma maqal oo Eebe ayaa dhankiinna ka wareejiyay seefta oo dhoolla-caddeyna ku laran-tahay ayay dhankaa iigu soo af xirtay.
Horumarka dalka ayay ii bogaadisay, muuqaalka magaalada ayay aad iigu amaantay, dhowr dhismo oo Muqdisho ku yaalla ayay i weydiisay waxaana ugu caansanaa Cusbitaalka Xoogga, Warshaddii Caanaha iyo Cusbitaalka Digfeer oo hadda loogu magac daray ‘Recep Tayyip Erdoğan’  kaddib dayac-tirkii Turkiga, mid walbana sida uu yahay iminka ayaan ugu warceliyay waxa ayna iigu soo gabagabaysay inay mar inta aysan bixin booqan doonto Digfeer si ay xaaladdiisa u qiimeyso oo ay socdaalkeeda kan xiga u keento taqaatiir caddaan ah oo ay bilaash kuwada daweeyaan bukaannada Soomaaliyeed.
Maama Asli  waxa ay tiri; “Marka aan dalka banaanka uga maqannahay, waa inaloo war xumeeyaa, magaalada leyskuma halleyn karo amnigeeda, bilicdeeda ma qurxoona iyo dhimashada ayaa ka dhaw, hase ahaatee, waxaan kula taliyaa dadka sidaas aaminsan in dal walbaa ay dhistaan dadkiisa, loona baahan yahay in Soomaalidu ay dalkooda bilicdiisa uga shaqeeyaan sida ay u qurxiyeen Islii ‘East light’ iyo Miniyaabulis ‘Minneapolis’ oo ku kala yaalla Kenya iyo Maraykanka.
Gunaanad
Farxad gaar ah ayay ii aheyd la kulanka Maama Asli oo aan rumeysannahay shaqadii aan ugu tagay iyo macluumaadka faraha badan oo ay igu kordhisay inay kala badan yihiin. Waa dhif iyo naadir in ruux aad wareysanayso uu kuu oggolaado waqti ka badan kii shaqada si uu kuugu kordhiyo xog la xiriirta waaya-aragnimadiisa iyo dardaaran maanta iyo berittaba.
Maama casheey, shaah iyo biyo midkood cab iyo erayo kale oo muujinaya naxariista maama-nimo ayay iigu soo gabagabaysay sheekadii aan dareemin waqtiga ay qaadatay, in kasta oo aan intaba ka cudurdaartay haddana iyada oo ka wal-walsan xilliga oo habeen ahaa ayay i keentay illinka hore ee hoteelka. Maama mahadsanid iyo Maamo waan ku faraxsanahay wareysiga aad iga qaaday ayuuna ku soo idlaaday kulankeenna.
W/D: Ismail Mohamed Samatar
E-mail: Zeema200@gmail.com
Sawir qaade: Baarri Sh Yuusuf. 
 
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!