MUQDISHO (HN) — Deegaan-quruxsanaanta wuxuu Islaamku siiyay mudnaan sarreysa. Ilaalinta deegaankuna waxay laf-dhabar iyo sees u tahay jiritaanka aadanaha iyo xiriirka kala dhaxeeya Allihii ku abuuray arlada dusheeda.
Aqoonsashada kaalinta qofka Muslimka ahi ku leeyahay badbaadinta iyo camiridda dhulka, walaal Muslim ah oo ku nool Oldham wuxuu shantii sannadood ee lasoo dhaafay ku jiray howlgal uu bilicda iyo nadaafadda xaafaddiisa ku ilaalinayo.
Salehuddin Talukdar, oo ah 38 jir oo xaafadda Coldhurst ee degmada Oldham ku nool wuxuu dalka UK yimid sannadkii 2009 isaga oo kasoo tagay Bangladesh.
“Markii aan bilaabay inan gacmahayga ku ururiyo qashinka, saaxiibadayda ayaa iga saacidi jiray inaan dhammeystiro howsha aan bilaabay,” ayuu u sheegay Asian Image.
“Dhawaan waxaanu nadiifinnay bar dadweyne oo lagu kulmo aadna muhiim noogu ah; waxayna qeyb ka ahayd barnaamijka qurxi xaafaddaada – MyColdhurst,” ayuu sii raaciyay.
“Da’yar badan oo samafalayaal ah ayaana ka qeyb noqonaya ol’olaha oo carruurtu kamid yihiin – xattaa ilmahaygu – oo saddex carruur ahna way kusoo biiraan mararka qaar.”
“Waxaanu dhisaynaa kaabad isku xiraysaa bulshooyinka jaaliyadaha ah ee halkan ku dhashay iyo kuwii soo-galootiga ku noqday ee kasoo wada jeeda dalka Bangladesh.”
Ma ahan markii ugu horreysay oo ol’ole sidaan oo kale ay hoggaamiyaan xubnaha bulshada Muslimiinta ah ee ku nool UK.




You must log in to post a comment.