crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> La kulan: Haweeneyda nolosheeda u hibeysay Daryeelka Bisadaha. | HimiloNetwork

La kulan: Haweeneyda nolosheeda u hibeysay Daryeelka Bisadaha.

MUQDISHO (HN) — Maryam al-Balushi, oo ah haweeney jecel daryeelka xayawaannada kuna nool caasimadda Muscat ee dalka Cumaan ayaa hoygeeda kula nool 480 bisado iyo 12 eeyo ah – halkaas oo adduun dhan 8,000$ ay ku bixiso xanaanadooda bil walba.

51 jirtan ayaa daryeelka xayawaannada soo bilowday sannadkii 2008 markii wiilkeeda uu guriga keenay bisad. In yar kaddibna, Maryam ayaa la qabsi qoto dheer la yeelatay bisadda – iyaga oo ugu danbeyntii isku noqday labo aan kala tagi karin. Taniyo markaas, waxay go’aansatay inay nolosheeda u hibeyso daryeelka bisadaha ku dayacan jidadka. Muddo kooban dabadeed, Maryam ayaa nafteeda ka heshay iyada oo dhex taagan ku dhawaad 500 oo bisado ah oo gurigeeda kula nool.

“Ilaahay wuxuu ina siiyay dhawaaq aan ku codsan karo baahideenna, laakiin, kuwani waa ma-yeeraan u baahan in baahidooda la maqlo,” ayay tiri.

Hayeeshe, go’aankeeda la xiriira daryeelka bisadaha ma ahayn mid sahlan. Jaarkeeda ayaa si kastaba, ka cawday tira badnaanta bisadaha gurigeeda tuban, waxaana ay taasi ku qasabtay inay iibsato guri ay iyadu gaarkeeda u leedahay si ay bisadaha xanaaneyntooda ugu hesho nafis iyo buuq la’aan.

Hadda waxay waqtigeeda oo dhan ku bixisaa daryeelkooda. Mana hesho wax kaalmo ah iyada oo waliba xanaaneyntooda ay uga baxdo lacag adag bil walba.

Hadda iyada oo adeegsanaysa baraha bulshada, Maryam waxay sawirada bisadaha ku baahisaa Instagram-ka, nasiib wanaag waxay tallaabtaas soo jiidanaysaa in badan oo sideeda oo kale jecel bisadaha kuwaas oo quuddareynaya inay kaalmeeyaan.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!