crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Legdan-yaqaanka Austria oo qaatay diinta Islaamka. | HimiloNetwork

Legdan-yaqaanka Austria oo qaatay diinta Islaamka.

MUQDISHO (HN) — Legdan-yaqaanka Austria, Wilhelm Ott, ayaa kasoo muuqday muqaal uu ku dhawaaqayo kalmadda towxiidka.

Gudaha muuqaal aad ugu baahay baraha bulshada ayuu Ott ku sheegay inuu qaatay diinta Islaamka kaddib markii uu ku sameeyey baaritaanka iyo dabagal cilmiyeysan.

Wuxuu xusay in waqtigii xayiraadda lagu soo rogay dunida oo dhan ay isaga ahaan u ahayd fursad uu si fiican ugu kuurgalo barashada diinta Islaamka. Intaas kaddib, ayuu sheegay, inuu qaatay go’aan ah inuu kamid noqonayo bulshada Muslimka.

Legdanyaqaanka reer Austria ayaa xirfadda legdanka soo bilaabay sannadkii 2008 – isaga guulo kasoo hooyay 16 kulan oo kamid ah 33 mar oo uu la legdamay eynigiisa.

Marka loo eego warbixinnada saxaafadda, Ott ayaa bilaabay inuu ku baraarugo diinta Islaamka markii uu ka qeyb-galay tartan ay iska horyimaadeen legdamayaal Muslimiin ah.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!