crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Haweeney UK u dhalatay oo kusoo Islaamtay Weerarkii New Zealand. | HimiloNetwork

Haweeney UK u dhalatay oo kusoo Islaamtay Weerarkii New Zealand.

LONDON (HN) — Kaddib weerarkii bahalnimada ahaa ee lagu laayay Muslimiin gaaraysa 50 qofood kuwaas oo ku dhex cibaadaysanayay Masjidka al-Noor ee Christchurch, dunida waxaa kasoo wada yeeray dhawaaq canbaareyn iyo garab istaag ah.


Haweeney British ah oo Nottinghamshire oo soo booqatay Masjidka Ibrahim ee magaalada Beeston si ay muragada ula qeybsato Muslimiinta ayaa – Subxanallah – waxay ka noqotay iyada oo Muslimad ah.

IImFeed ayaa muuqaal ay soo dhigtay ku sheegtay in haweeneydan ay u timid si ay ugu tacsiyeyso mashaqada dhacday. Markii, si kastaba, ay ugu yeereen inay gudaha usoo gasho Masjidka, waxay soo gashay iyada oo aan fileyn inay kaga soo bixi doonto iyada oo Ilaahay aaminsan; Rasuulkiisana raacsan.

Waxayna u siday hadyado ay kamid yihiin ubaxyo. Waxaana sheeko dheer iyo sharraxaad kaddib ay ku qanacday inay qaadato Islaamka.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!