crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Lammaane Suuli ay ku meyrtaan Darbi-jiifta u sameeyey! | HimiloNetwork

Lammaane Suuli ay ku meyrtaan Darbi-jiifta u sameeyey!

MUQDISHO (HN) — Lammaanahan waxay diyaar u noqdeen caawinta dib-jirta hoy la’aantu ku heyso Honolulu, waxayna, iyaga oo adeegsanaya suuliga wareega, dareensiinayaan dadnimada dhabta ah ee insaaniyadda.


Craig Shoji iyo afadiisa Danica waxay meyrashada ama qubeyska u sahlayaan dadka darbi-jiifta ah ee aan heli karin goobo ay ku nadiifsadaan kuwaas oo gaaray ku dhawaad 300.

Bishii June sannadkii 2015-ka, iyaga oo booqasho ku jooga San Francisco, waxaa ku dhalatay inay oofiyaan hadafka ugu weyn nolosha – u samafalka dadka ayaanka liita.

“Waxaan maalin socday waddada waxaana arkay nin darbi-jiif ah,” ayuu yiri isaga oo la hadlaya GoodmorningAmerica. “Waxaana ku iri ‘haye’ wuuna la yaabay bariidadayda, waayo qofna sidaas oo kale uma soo jalleecin.”

Waana kolkaas markii Craig uu garawsaday baahida dadka darbi-jiifta ah ka maqan – inaysan kaliya aheyn nolol, balse ay tahay dareensiinta shucuur dadnimo iyo qaddarin leh.

Ganacsigoodu wuxuu isku beddelay qeyb ahaan u adeegidooda; si loogu helo dhar nadiif ah oo ay xirtaan; cunno bisil oo ay quutaan iyo goobo ay ku meyrtaan.

Hal-ku-dhagga howlgalkooda waa halheys u ah – qof kasta wuxuu leeyahay sheekadiisa gaarka ah; dhib malahan dhinaca ay nolosha uga socdaan.

Lammaanuhu waxay magaalada ku dhex maraan gaadiid gudihiisa lagu diyaariyay suuliga lagu qubeysto kaas oo 460 qofood ay ku xirmaan adeeggiisa. Halka 250 qof oo darbi-jiifta iyo dadka nasiibka liita ah ay adeegsadaan suuliga.

Marti walba wuxuu leeyahay 15 daqiiqo oo uu ku dhex meyran karo suuliga oo loogu diyaariyay dhammaan nuucyada kala duwan ee lagu meyran karo. Waxaana marka uu kasoo dhammaado suuliga la siiyaa cunno kulul oo horay loogu diyaariyay.

“Marka aad wajiyadooda fiiriso iyaga oo kasoo baxaya suuliga, waxay kuula muuqanayaan qof kale,” ayuu yiri Craig.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!