crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Cadaadiska Muslimiinta Shiinaha oo gaaray in Xajka lagu kormeero. | HimiloNetwork

Cadaadiska Muslimiinta Shiinaha oo gaaray in Xajka lagu kormeero.

Beijing (Himilonetwork) – Cadaadiska lagu hayo Muslimiinta Shiinaha ayaa gaaray heer Xujeyda sannadka gudanaysa acmaasha Xajka lagu qabso inay horay usii qaataan aalad dowladda u sahlaysa inay ogaato halka ay ku sugan yihiin inta lagu guda-jiro maalmaha barakaysan ee Xajka taas oo ah tallaabo ay aad uga hor yimaadeen qolyaha u dooda Xuquuqda Aadanaha.
“Tani waa tallaab kale oo lagu cabburinayo xurriyadda cibaadada ee Muslimiinta Shiinaha oo loola dhaqmayo sida danbiilayaal gabood-fal kasoo geystay gudaha dalkooda,” ayuu u sheegay Wall Street Journal, Eva Pils, oo ah geyfane u dooda xuquuqda aadanaha oo katirsan  King’s College London.
Aaladdan ayaa la arkay markii mid kamid ah Xujeyda sannadkan uu kusoo muuqday xilli uu usoo dhoofayay magaalada Riyad ee dalka Sucuudiga.

Aaladda waxaa ku jira xog-qofeedka sitaha iyo macluumaad sheegaya halka uu hadiyo jeer kaga sugan yahay magaalada Makka iyo guud ahaan dalka Sucuudiga.
Ku dhawaad 12,000 oo Xujey ah ayaa sannad kasta u jiheysata dalka Sucuudiga si ay usoo gutaan mid kamid ah tiirarka aas’aasiga ah ee diinta Islaamka.
Shiinaha ayaa cadaadis ba’an ku haya tira-yarta Muslimiinta ah ee dalkeeda ku nool taas oo xilliyada kala duwan ee sannadka sida bisha Barakaysan ee Ramadaan dunida oo dhan laga baahiyo xakameynta ay ku heyso.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!