MUQDISHO (HN) — Dadka danyarta ah ee ku nool Istanbul waxaa la yaab ku noqotay deeqsiga dahsoon ee deymaha iyo qaamaha lagu leeyahay dadka ayaanka liita ka bixiya – isaga oo aan la kulmin.
Caan wuxuu ku yahay inuu warqadda qaan-sheegadka oo lacagteeda la bixiyay ag dhigo qofkii deynta lagu lahaa gurigiisa ama uu farriin ahaan ugu soo dhiibo.
Toddobaadkii hore dadka degmada Tuzla waxay ka marag kaceen maalmo kale oo deeqsiga dahsooni gudanayay shaqadii lagu yiqiin oo aheyd u gargaaridda kuwa qaamoobay. Hadafkiisa ugu weyn ee samafalkiisa wuxuu ku tilmaamay mid uu ku raali-gelinayo Allihii abuuray.
Markii uu sannadkii hore dhacay sicir bararka iyo lacagta dalka oo hoos u dhac ku yimid, dad badan waxaa ku adkaatay inay la halgamaan xaaladda dalku galay. Laakiin samafalahan ayaa inta karaankiisa ah wuxuu isku dayayaa inuu kaalmadiisa gaarsiiyo qof walba oo deyn lagu leeyahay ama duruuf adag ku jira.
Kuwa aan awoodin iidaanka ay ku daartaan ceyshka ay karsadaan ee qudaarta usoo raadsada suuqa waa bartilmaameedkiisa koowaad. Wuxuu ogsoon yahay inay yihiin kuwa ku jira xaalad gebi-dhacleys ah.
Tuncy Yasar oo kamid ah dadkaas uu kaalmada u fidiyay samafalahan ayaa sheegtay inaysan ficil u dhigma midkan oo kale weligeed arag 30-kii sanno ee lasoo dhaafay.
Lacagaha uu bixiyo waxaa ugu yaraa sida la sheegay 1,000 Lira oo lacagta Turkiga ah – halka meel kale uu qoys danyar ahaa ku siiyay 25,000 Lira.
You must log in to post a comment.