crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Masjidka Nabiga oo dib albaabada loogu furay. | HimiloNetwork

Masjidka Nabiga oo dib albaabada loogu furay.

MANDINA (HN) — Muslimiinta ku nool gudaha magaalada Madina ayaa hadda loo ogolaaday inay ku tukan karaan gudaha Masjidka Nabiga NNKH kaddib ku dhawaad 70 maalmood oo xanuunka Corona awgiis albaabada la iskugu dhiftay.

Masjidka Suubanaha ayaa kamid ah 90,000 oo masaajid oo gudaha Sucuudiga Arabiya ku yaal kuwaas oo loo xiray si loo yareeyo faafitaanka xanuunka Covid-19.

Taniyo markaas Sucuudiga ayaa qaaday tallaabooyin waaweyn oo ay kamid tahay in la joojiyay Cumrada iyo in lagu dhex cibaadeysto Xaramka iyo goobaha kale oo Muslimiinta booqashada ku tegi jireen sida Masjidka Suubanaha NNKH.

Balse wali waxaa halkiisa taagan ku dhaqankii ahaa qaadashada gafuur-xirka, iyo kala fogaanshaha.

Muslimiinta ayaa tallaabada furitaanka Masjidka iskugu hambalyeynayay baraha bulshada taniyo markii uu go’aankeedu kasoo baxay dowladda Sucuudiga.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!