Haweeney nolol ku aastay Cunugeeda si ay u raal-geliso Nin ay jeclaatay!
Posted by: Zakariya
in La-yaabka
February 10, 2018
528 Views
Muqdisho (Himilonetwork) – Haweeney ayaa lagu qasbay inay ilmaheeda kasoo bixiso god ay ku riday isaga oo nool, si ay u raali-geliso saaxiibkeeda cusub.
Muuqaal la yaab leh oo laga duubay ayaa muujinayay hooyadan oo heysa cunug meyd ah oo saddex bilood jir ah – iyada oo aan muujineyn wax walwal ah.
Haweeneyda ayaa markaas xabsiga la dhigay, cunugeeda waxaa aas u sameynaya waaxda dowladda hoose.
Marka loo eego booliska Togo, haweeneydan 20-jirka oo aan magaceeda la sheegin ayaa la kulantay nin lacag leh waxayna la yeelatay xiriir hoose.
Haweeneydu waxay dooneysay inay guursato – balse ninku wuxuu u sheegay inuusan dooneyn naag ilmo heysata.
Si ay haddaba u qanciso, waxay u qoday god: wayna ku duugtay isaga oo nool.
Warkeeda wuxuu soo shaac baxay markii reerku marar badan su’aalo badan ka weydiiyeen halka ay geystay canugii yaraa.
Markii ay ku fashilantay marmarsiiyo badan, ugu danbeyn waxay qiratay inay canugeeda ku duugtay god isaga oo nool.
Related
2018-02-10
You must log in to post a comment.