Muqisho (Himilonetwork) – Muqdisho waxay rafaadeysaa muddo ka badan 20-sano oo dagaallo ah, in badan oo dhalinyaradeeda kamid ahna waxay ku dhasheen qax iyo qalalaaso.
Carruurta naafada ah, si kastaba, waa kuwa wajahaya daranyada ugu halista badan, dayacaad iyo heliwaaga fursad siman oo baahida aas’aasiga ah.
Hayeeshe Ismaaciil Raage, oo 22 jir ah, naafanimadiisu kama horjoogsan yoolkiisa ah gaarista halka ugu sarreysa tacliinta sare – isaga oo ka qalin-badashay Jaamacadda Simad – halkaas oo marqaatiga koobaad uu ka helay Cilmiga Bangiyada iyo Maaliyadda.
Carruurnimadiisa, Raage waxaa asiibay xanuunka Dabeysha, kaas oo addimadiisa naafeeyey.
“Noqoshada qof naafo ah oo kusoo koray dal dagaallo ka jiraan, riyadaydu waxay ahayd inan adkeeyo guulaha noloshayda u qoran,” Raage ayaa u sheegay Laanta af-Soomaaliga ee VOA. “Ugu danbeyntii tallaabtii adkeyd waan soo gudbay.”
Naafada ku nool Somalia waxay ku sugan yihiin caqabado dhowr ah oo ay kamid tahay inaysan heysan fursad ay kaga qeyb qaadan karaan kaalintooda bulshada. Kuwa ayaa u arka inaysan gaari karin yoolkooda maadama aysan lahayn laxaad dhammeystiran.
Qoyska Raage waxay kamid yihiin tirada waalidiinta ah ee kahor yimid aragtida bulshada – iyaga oo wiilkooda u diray wax-barashada uu waligiisba jeclaa.
