crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> 76-jir Maalin kasta Wiilkeeda Cuuryaanka ah Iskuulka ku geysa Gaarigiisa. | HimiloNetwork

76-jir Maalin kasta Wiilkeeda Cuuryaanka ah Iskuulka ku geysa Gaarigiisa.

Muqdisho (Himilonetwork) – Marka ay timaado in canug cuuryaan ah uu heli karo tacliinta uu u qalmo inuu ku naaloodo, xittaa ayeeyadiisa 76-jirta ah wax walba way u qaban kartaa. Haweeneydan da’da ah waxay maalin walba sideed goor gaarigiisa ku riixdaa Jiang Haowen – guriga iyo iskuulka – afartii sano ee lasoo dhaafay. Qorshaheeduna waa inay sii caawiso in allaale inta ay iyaduba socon karto.
 9-jirka Jiang wuxuu cudurka dabeysha haleelay isaga oo labo sano jir ah, waalidiintiisu waxay is fureen sannado kahor. Hooyadiis waxay guursatay dhowr jeer. Aabihiisna wuxuu shaqo u aaday Guilin si uu reerka uga taageero noloshooda iyo daryeelkiisa. Sidaas awgeed, ayeydiis ayaa ah qofka kaliya ee u taagnaaday baxnaanadiisa. Shi Yuying kaliya wiilkeeda kuma riixdo gaariga -guriga ilaa iskuulka – hayeeshe waxay sidoo kale hubsataa in loo sameeyo daryeelkiisa maalinle ee siinta dawooyinka kaalmaatiga ah ee loo soo qoray.
Iskuulka Haowen wuxuu gurigooda u jirtaa 1.86 miles, hayeeshe ayeeyadiis waxay sideed jeer maalin walba kusoo noqotaa waddadaas si ay u geyso: ugana soo celiso iskuulka. Tani waxay la micno tahay inay maalin walba gasho masaafo dhan 15 mile (24 km). Mana lahan wax cabasho ah.
“Inta aan awoodi karo inan u riixo hadafkiisa, waa waajib inan u halgamo,” ayay tiri Shi.
Caawimadaas awgeed, Jiang wuxuu sameeyey horumar la taaban karo, isaga oo bartay inuu sare istaago: in door ahna lugeeyo. Wuxuu wali dhib ku qabaa inuu saani u qabsado qalinka. Hayeeshe wuxuu fariid ku yahay maadada xisaabta.
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!