crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> La kulan – Ninka Gurigiisa ku xanaaneeya Bisado gaaraya 300. | HimiloNetwork

La kulan – Ninka Gurigiisa ku xanaaneeya Bisado gaaraya 300.

New York (Himilonetwork) – Haddii aad mar soo agmarto guriga Chris Arsenault, oo aad aragto 300 bisado ku nool, waxaad runtii u qaadaneysaa in 58-jirkan uu yahay mid ku waalan xanaanada bisadaha, hayeeshe taasi kaliya waa inaadan ogeyn taariikhdiisa.
Xagaagii 2006, laba bil kadib markii Chris uu lumiyay wiilkiisa Eric, oo 24-jir ahaa, kaas oo shil gaari ku dhintay, wuxuu helay kolonyo bisado ah oo ku sugan agagaaraha busteejada tareenka. Waxay ka badnaayeen laba darsin, Chrisna wuxuu ogaaday in haddii uu sidan kusii eegto ay dhimanayaan. Sidaas awgeed, wuxuu u qaaday gurigiisa: una fidiyay daryeel caafimaad iyo quudin. In yar kadibna waxay ka caawiyeen inuu ka bogsado tiiraanyaddii kasoo gaartay dhimashada wiilkiisa.
“Waxay ahaayeen saddex boqol oo bisado yaryar ah oo wada jiran. Waxaan ogaaday in haddii aan ka tago ay dhimanayaan, sidaas darteed ayaan gurigayga u keenay,” ayuu yiri Chris isaga oo la hadlayay New York Post. “Markii wiilkaygu dhintay, bisadahani waxay ii noqdeen shaqo aan ku nafiso.”
Sannadihii xigay, Chris wuxuu bilaabay inuu la shaqeeyo samafalayaal badan oo gabaadsiiya xayawaannada, isaga oo korsaday bisado badan. Wuxuuna ballaariyay hoygiisa. Marka laga yimaado qolkiisa jiifka, inta kale ee guriga waxaa ku cammiran bisadaha. Wuxuu waqtigiisa ugu badan ku bixiyaa inuu waraabiyo: cunno siiyo: una nadiifiyo goobta ay ku nool yihiin si uu u hubsado inay faraxsan yihiin oo ay caafimaad qabaan.
Xaruntiisa  Happy Cat Sanctuary oo la helay sannadkii 2006, waxaa kaalmeynayay kuwa jecel xannaanada xayawaanada sannadihii dhawaa. Daryeelka tiro intaan la’eg ma ahan mid fudud. Sannadkii 2016-ka, wuxuu ku bixiyay adduun dhan $101,000. Si kastaba, wuxuu la xiriiraa waaxda xannaanada xoolaha haddii ay timaado xaalado caafimaad oo uusan la tacaalin karin.
“Maalin kasta waa inaan dabiibaa midda bugta,” ayuu yiri isaga oo tilmaamaya habka uu ku garto xanuunkooda.
La’aanta hoygiisa, badi bisadahani waxay u dhiman lahaayeen daryeelo xumo.
“Marka aan furo qolkayga waxaa igula jira 50-60 bisado,” ayuu yiri Chris.
“Badigood waa kuwo lasoo nacay iyo kuwa lasoo dhibaateeyey, marka ay yimaadaan goobtan, waa sida iyaga oo abaal-marin helaya: waayo waa meel ay ku dareemi karaan amni iyo nolol.”

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
Kala xiriir: hiraal86@gmail.com.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!