crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Hindiya – Marka Ninku uusan helin Meherkii uu ku guursaday Xaaskiisa. | HimiloNetwork

Hindiya – Marka Ninku uusan helin Meherkii uu ku guursaday Xaaskiisa.

New Delhi (Himilonetwork) – Seyga 28-jirta Rita Sarkar wuxuu joogto uga caban jireen sida qoyskeeda aysan ugu dhammeystirin meherkii uu ku aroosay, hayeeshe waligeed masuuraysan inay ka gaari karto heer uu kelyaheeda mid kamid ah – si xatooyo ah – kala bixi karo. Wayse qaldaneyd.
Haweeneydan ayaa dhawaan sheegtay in muddo badan ay ahayd dhibane qoys oo seygeeda iyo ehelkiisaba ay u wax-yeeli jireen bixin la’aanta meherka ay ku leeyihiin. Waana ay la qabsatay. Hayeeshe arrinta Rita aysan ogeyn ayaa aheyd in seygeeda, Biswajit Sarkar inuu geed gaaban iyo mid dheerba u korayo siduu lacagta meherka kaga heli lahaa. Sidaas awgeed, markii ay timid fursaddii uu kula bixi lahaa mid kamid ah kelyaheeda, kama uusan labalabeynin.
“Laba sano kahor , waxaan xanuun ka dareemay caloosha. Ninkayguna wuxuu ii qaaday isbitaal gaar loo leeyahay oo ku yaalla Kolkata – halkaas oo saraakiisha caafimaadka iyo isagaba ay ii sheegeen in haddii la iga saaro kelyaha midkood aan caafimaadayo,” ayay tiri Rita.
Qaliinku wuxuu noqday mid guuleysta, hayeeshe Rita waxay bilowday inay wax dareento markii seygu u sheegay inaysan cidna u sheegin xanuunka ay qabto. Markii ay kusoo laabatay guriga, waxaa ku xoogeystay xanuun cusub oo aysan dhaadi karin siduu ugu yimid, balse codsiyo dhowr ah oo ay isku dayday inay seygeeda kaga dalbato inuu isbitaal geeyo, wuu kku gacan-seyray. Wuxuuna xabsi guri kusoo rogay taniyo markaas.
Xaaladdeedu waxay caadka usoo baxday saddex bil kahor markii reerkeedu ay geeyeen xarun caafimaad – halkaas oo loogu sheegay in kelyaha midkood lagala baxay.
“Waxaan fahmay in seygeyga sababtii uu qaliinka beenta ah ii geliyay ay ahayd inuu kelyaha midkood igala baxo si uu meherkayga uga dhigto,” ayay tiri.
Marka loo eego Rita aabaheed, iyada iyo Biswajit waxay is guursadeen sannadkii 2005, waqtigaas oo meher dhan $2800 kaash ahaan loo siiyay reerka inanka. Balse mar kasta waxay warsan jireen in badan.
“Wuxuu i dhihi jiray ‘aabahaa wuxuu leeyahay gawaari badan, wuxuu ku fadhiyaa adduun lacageed badan: bal fiiri sida aan u fara-marannahay'” Rita aabaheed ayaa u sheegay Washington Post.
Jimcihii tagay, Rita waxay dacwad ka gudbisay Biswajit iyo walaalkiisa Shyamal Sarkar, waxaana loo taxaabay xabsiga si loogu qaado fal-danbiyeed la xiriira ka-ganacsiga xubnaha qofka.
Intii lagu jiray waraysiga, Biswajit wuxuu qirtay inuu iibsaday kellida afadiisa: iyaduna ay raalli ka ahayd maadaama ay saxiixday. Balse ayaa beenisay sheegashadiisa. Waxayna ku tilmaantay mid aysan ogaalkeeda ku saxiixin.
“Wuxuu subaxdaas kahor i siiyay cabitaan qabow oo aniga dhan iga dhigay qof aan xusuus lahayn,” ayay tiri. “Waxna kama ogeyn saxiixa.”
Rita hadda aad ayay u xanuunsaneysaa maadaama kellida kale ay xanuun daran ku heyso hadiyo jeer. Waxaana lagula tacaalayaal daryeel sugan oo lagu hubsanayo in kellida u harsan si fiican ugu shaqeyso.
Danbigiisu waa arxan-darro aad looga naxo maadaama ilmihiisa hooyadood uu kula kacay fal aadminimada ka baxsan. Kanina waa sida ugu liidata oo nin uu xaaskiisu kula kici karo arrin halis ku noqon karta masiirka nolosheeda.
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
Kala xiriir: hiraal86@gmail.com.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!