crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Sheikh Abdulrahman Green – Daaciga Reer Yurub. | HimiloNetwork

Sheikh Abdulrahman Green – Daaciga Reer Yurub.

Muqdisho (Himilonetwork) – Sheikh Abdulrahman Green wuxuu sanadkii 1962-kii ku dhashay Dares-Salam, dalka Tanzania. Aabihiis wuxu kamid ahaa saraakiishii Gumeysiga Ingiriiska ee ku sugnaa Bariga Afrika. Hooyadiis waxay ahayd Polish asal ahaan. Wuxuu kusoo koray qoys diinta Masiixiga aaminsan.
Markii uu 11 sano jirsaday aabihiis ayaa u kaxeeyay dalka Masar kadib markii uu shaqo ka helay. Wuxuu taariikhda ka bartay Jaamacadda London. Wuxuu – markii uu bilaabay inuu diimaha fahmo – uu kolkii hore noqday Buudis muddo saddex sanadood ah: in kasta oo uusan banaanka soo dhigin. Sanadkii 1987-kii, Green wuxuu xiiso badan u qaaday diinta Islaamka, wuxuuna sanad kadib – 1988 – ku dhawaaqay inuu qaatay diinta Islaamka.
Aftahamadiisa iyo tusaalihiisa qayaxan waxay sabab u noqotay in laga mamnuuco dalal dhowr ah sida Australia sanadkii 2012 iyo meelo kamid ah gudaha Britain sida garoonka kooxda Arsenal.
Fogaan-araga Peace TV ayuu ku leeyahay muxaadarooyin ku saabsan Islaamka iyo nolosha. Wuxuu sidoo kale madax ka yahay Islamic Education & Research Academy.
Aabihiis, nasiib-wanaag, kuma dhiman gaalnimo. Dadaal dheer kadib wuxuu ku guuleystay inuu ka dhaadhiciyo caqiidada saxda ee Ilaahay loogu dhawaado iyo badbaadada laga helo Islaamka.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!