crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Wararka | HimiloNetwork | Page 42

Wararka

Sababta Dibi Baxsad ah uu ku helay Taageero Shacab!

MUQDISHO (HN) — Dibi culaabtiisu dhan tahay 650 kg ayaa maareeyey inuu ka baxsado xarun xoola-qalka ah ‘maxjar’ wuxuuna hadda helay dareenka dadweynaha dalka Croatia. Dibiga oo la yiraahdo Jerry wuxuu dhawaanahan hareer maraa goobaha ka fog xaruntii uu kasoo baxsaday. Wuxuuna ku gaaf wareegaa xeebaha iyo duleedka magaalada. Milkiilhiisa ayaa ka iibsaday xarunta. Laakiin inta aan loo gelin qur-goyntiisa, ...

Read More »

Qishkii xal baa loo helay!

MUQDISHO (HN) — Kuleej ku yaalla gobalka Karnataka ee dalka Hindiya ayaa dhaliyay dood adag kaddib markii ardaydiisa ay imtixaanka ku galeen iyaga oo madaxyada loo geliyay baakado si aanay u gishin. Markii muuqaalka sawirada laga qaaday ay ku baaheen baraha bulshada, saraakiil ka socota maamulka gobalka ayaa gaaray kuleejka si ay u fahmaan sababta keentay arrinta. Maamulka kuleejka ayaa ...

Read More »

La kulan – Samafalaha bixiya Deymaha lagu leeyahay Ardayda Saboolka ah!

FLORIDA (HN) — Nin ku nool gobalka Florida ayaa go’aansaday inuu sameeyo is-beddel – isaga oo bixinaya dhammaanba deymaha hariimada ‘qadada’ ardayda ay ku cunaan dugsiyada dadweynaha. Waxay ku bilaabatay ugu horreynba qoraal lasoo dhigay barta facebook. Qoraalka ayaa lagu ogeysiinayay samafalayaasha inay jirto lacag dhan 1,000$ ku dhawaad oo loo amaahday qadada ardaydu ku cunaan fasallada siiba kuwa aan ...

Read More »

Gabar – Is-qurxis Qaliin oo ay gashay awgeed – labadeeda indhood isku qaban la’!

MUQDISHO (HN) — Haweeney Shiinees ah oo adduun dhan 13,000 yuan ‘una dhiganta $1,850′ ku bixisay inay marto qaliinka baararka indhaha loogu sameynayo ayaa hadda awoodi la’ inay labadeeda indhood isku qabato – xittaa marka ay jiifsaneyso. Nuuca qaliinkan ayaa ah midka loogu codsiga badan yahay guud ahaan Shiinaha, Japan iyo Kuuriya. Waxaana loo tix-geliyaa mid soo jiidasho leh. Laakiin ...

Read More »

Sababta Gabar 7 jir ah ay ku Qaan-gaartay!

BEIJING (HN) — Warbaahinta Shiinaha ayaa hadal-heysa sheekada gabar 7 jir ah oo calaamadaha qaangaarnimada ay kasoo baxeen – kaddib markii sida la sheegay inay si joogto ah ugu seexan jirtay nalka oo u daaran habeen walba. Dandan, oo 7 jir ah, waxaa aad ula yaabay hooyadeed oo dareentay inay gabadheedu aad uga dheeraaneyso gabdhaha kale muddo sannad gudihiisa ah. ...

Read More »

Nadaafad-darrida ISBITAALLADEENNA.

MUQDISHO (HN) — Meel dheer marka laga jeedaaliyo, muuqaalkiisu ma ahan mid kugu abuuraya niyad-jab. Balse waa in yar kaddib kolka aad kusoo dhawaato  goorta aad dareemeyso wax inay ka dhiman yihiin hufnaanta faya-dhowrkiisa. “Maalin walba waa sidan,” ayuu yiri Xuubeey oo deris la ah mid kamid ah isbitaallada ugu waaweyn ee dhaca bartamaha Muqdisho. “Haddii uu roobku curtana kumaba ...

Read More »

Biyaha Faraxalka iyo Suuliga hadda dib ayaa loo isticmaalayaa!

BRUSSELS (HN) — Si daaha looga rogo hab cusub oo biyaha dib loogu isticmaali karo, maqaayad ku taalla Kuurne, dalka Biljamka ayaa cabitaan nadiif ah kasoo saaraysa biyaha loo adeegsado fara-xalka iyo suuliga. Biyaha toddobaadkii dhawaa oo dhan loogu adeegay macmiisha maqaayadda ma laheyn ur iyo dhadhan ka duwan kuwii caadiga ahaa ee horay loogu adeegi jiray. Waana wax adag ...

Read More »

Philipiness: Tuulo yar oo Dadweynaha Cunto loogu beddalayo Qashinka ay ururiyaan!

MANILA (HN) — Maamulka Philippines ayaa la dagaalamaya labo dhibaato oo kamid ah khataraha ugu weyn ee ka jira tuulada  Bayanan ee kala ah gaajada iyo wasakhda balaastikada ah. Tuulada dhacda Philippines ayaa dadaal ugu jirta sidii loo yareyn lahaa qashinka balaastikada iyadoo dadweynaha bariis looga beddalanayo qashinka ay ku wareejiyaan dowladda. Qof kasta oo ku nool tuulada oo keena ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!