crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> La kulan – Faraska iska dhiga Meyd marwalba oo la fuuli maago! | HimiloNetwork

La kulan – Faraska iska dhiga Meyd marwalba oo la fuuli maago!

MUQDISHO (HN) — Gamaan faras ayaa indhaha taageerayaal badan soo jiitay kaddib markii uu si cajiib leh ugu caan baxay inuu iska dhigo meyd ama sida neef baqtiyay uu dhulka is waro mar kasta oo fuullaankiisa loo kooreysto.

Ma cadda haddii faraska cajiibka ah uu dabeecaddan la qabsaday ama ay tahay xirfad la baray inuu dheelo. Laakiin waxaa iska cad inuu si qurux badan u matalo meyd mar walba oo la damco in la fuulo.

Indhihuu isku qabtaa; neefta ayuu yareeyaa sida adiga oo moodaya inuu naf baxayo ayuu dhulka ugu rafanayaa. Laakiin waa in yar kaddib marka uu ogaado inaanu hareerihiisa cidna joogin marka uu sare joogsado.

Marwalba oo dabeecaddiisa uu matalayo waxaa qabata kaamirada waxaana la iskula wadaagaa baraha bulshada taniyo sannadkii 2015-ka.

Muuqaalkiisa oo ku baahaya dunida dacalladeeda ayaa keeneysa in aragtiyo u badan maad laga bixiyo baxaalliga silloon oo faraskani ku kaco mar walba oo la rabo in la kooreysto.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!