crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Qishkii xal baa loo helay! | HimiloNetwork

Qishkii xal baa loo helay!

MUQDISHO (HN) — Kuleej ku yaalla gobalka Karnataka ee dalka Hindiya ayaa dhaliyay dood adag kaddib markii ardaydiisa ay imtixaanka ku galeen iyaga oo madaxyada loo geliyay baakado si aanay u gishin.

Markii muuqaalka sawirada laga qaaday ay ku baaheen baraha bulshada, saraakiil ka socota maamulka gobalka ayaa gaaray kuleejka si ay u fahmaan sababta keentay arrinta. Maamulka kuleejka ayaa sheegay in dhowr jeer oo ardayda lagu qabtay iyaga oo qishaya imtixaannada awgeed ay tallaabadani ku timid si looga hortago.

Wasiirka waxbarashada gobalka Suresh Kumar ayaa sheegay in qofna uusan xaq u laheyn in loola dhaqmo sida xayawaanka.

In kasta oo ficilkani saameyn ballaaran uu ku yeeshay dadweynaha, haddana maamulka ayaa sheegay in ardayda ay si khiyaarkooda ah usoo qaateen baakadaha si ay ugu galaan imtixaanka.

Waxay intaas ku dareen in fal-celin togan iyo mid taban ay uga timid dadweynaha.

Ma ahan markii ugu horreysay oo la arko fal ceynkan oo kale ah. Bil kahor ayay aheyd markii aan baahinay sheekada macalin Mexican ah oo ardaydiisa ku amray inay baakado xirtaan marka ay galayaan imtixaanka.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!