MUQDISHO (HN) — Farriin ku socota madaxda sare ee dalka iyo midka gobalka ayuu agaasimaha Shabakadda Himilo, Zaki Hiraale, halkan nagula wadaagayaa. Wuxuuna dhambaalku u dhigmayaa sidatan: Salaamu-caleykum Bahda Saxaafadda. Ku socota Hoggaanka ugu sarreeya dalka iyo kan Gobalka Banaadir: Mudane Madaxweyne, waxaan kuusoo qorayaa dhambaalkan aniga oo kurejo weyn inaad baaqayga ajiibto oo aad isiiso cadaalad shuruud la’aan ...
Read More »Wararka
SpoGomi – Cayaarta ‘Qashinka Ururinta’ ee Abaalmarinta looga helo gudaha Japan.
MUQDISHO (HN) — SpoGomi waa cayaar asalkeedu yahay ururinta qashinka oo tartamayaasha ay u kala dheereeyaan soo gurbinta iyo ururinta qashinka daadsan ama tuban meel cayiman oo jidadka magaalada kamid ah. Waxaana markii ugu horreysay uu tartanka noqon doonaa mid caalami ah oo la qaban doono bisha November ee sannadkan 2023. Waxaana loogu yeeri doonaa SpoGomi World Cup. Magaca SpoGomi ...
Read More »Gabdho – nin hore xiriir ula lahaan jiray – arooskiisa u yimid inay ka ciideeyaan!
MUQDISHO (HN) — Nin ku nool Shiinaha ayaa maalintii farxadda arooskiisa waxay isku beddeshay buuq iyo muran kadib markii tiro hablo ah oo xiriir hore uu kala dhaxayn jiray ay isku soo baheysteen si ay uga jiiraan dabaaldegga maalinta guurkiisa. Haweenkan oo soo qaatay boor ay ku qoran tahay: “Waxaan nahay Song jaceyladiisii hore, waxaana u nimid inaan ku burburino.” ...
Read More »Sababta Shaqo-doonayaasha iyo Waraystaha ay wejiga u xirtaan marka ay galaan waraysiga!
MUQDISHO (HN) — Shirkad ku taal Chengdu ayaa lagu amaanay fikrad lala dhacay oo ah in shaqo-doonaha iyo waraystaha ay xirtaan weji-gashi – si aysan isku arkin – sababta ayaa lagu sheegay inay ku doonayaan in looga fogaado nintooxsiga iyo eexda shaqo-doonayaasha lagu kala xusho. Waxaa intaas dheer, muuqaalka qofku shirkaddan gudaheeda wax micno ah kama gooyo. Waxaana halkaas loogu ...
Read More »La kulan – 55 Jirka Ardayga ah!
MUQDISHO (HN) — Wax-barashada lagama gaboobo. Sidaas oo ay tahay dad badan waxay u heystaan in weynaantu tahay caqabad ku horgudban aqoonta iyo cilmi-raacashada. Laakiin in yar ayaa dhab u aaaminta inuusan habeen ka tagin oo weli ay fursad u heystaan wax-barashada. Waana sheekada 55 jirka u dhashay dalka Rwanda midda tusaale nool u ah. Jean Marie Vianny. Ma uusan ...
Read More »Mall-ka laga dhisay Dusha sare ee Dhismo Dabaq ah + Sawirro.
MUQDISHO (HN) — Caasimadda Jakarta ee dalka Induniisiya waxaa ka dhisan mashaariic dhismayaal ah oo aad u yaab badan. Suuqweyne laga adeegto oo ku yaalla dusha sare ee dhismayaal xiriira oo dabaqyo ah ayaana kamid ah. 20-kii sanno ee lasoo dhaafay, Induniisiya caasimadeeda Jakarta waxay kamid ahayd magaalooyinka ugu dadka badan dunida guudkeeda – halkaas oo in ka badan 10 milyan ...
Read More »Tuugsiga casriga ah ee ka socda Tiktok!
MUQDISHO (HN) — Tuugsigu wuxuu hadda caadi ka dhex noqonayaa baraha bulshadu ku xiriirto ee dalka Induniisiya. Dadkii bannaannada iyo jidadka dawarsan jirayna, hadda waxay helayaan hab fogaan arag ah oo ay ku dawarsadaan. Ka dhex tuugsiga Tiktok waxay hadalheyn qaran ka dhex noqotay dalka ugu Muslimiinta badan caalamka. Waxaana hadda dowladda lagu cadaadinayaa inay arrintan si dhab ah usoo ...
Read More »Sheekadii wiilkii Dhuudhuumashowga ku dhumay ee dalka kale laga soo qabtay!
MUQDISHO (HN) — Markii Fahim uu galayay kontaynarka si uu uga dhuunto saaxiibadiis, maanu fileyn inuu lix beri ku dhex jiri doono – dal aan dalkiisa ahaynna uu ku tagi doono. Waa wiilka ugu nasiibka badnaa taariikhda dhow dalka Bangladesh. Isaga oo saaxiibadiisa waxay cayaarayeen Dhuumashow markii uu isku dhex qariyay kontaynar kamid ah kuwa yiilay agagaarka marsada. Laakiin wax ...
Read More »Dumarka Shiinaha ma ahan agab ‘wax lagu xayaysiisto’.
MUQDISHO (HN) — Xayaysiimaha iyo iibka tooska ah ee lagu iibiyo interner-ka waa ganacsi lacag adag laga soo xereeyo sannad walba. Waxaana wax ka iibsada malyuumaad dad ah oo gudaha Shiinaha ku nool. Laakiin dhawaanahan waxaa lasoo rogay xeerar adag oo lagu xadidayo ama lagu faafreebayo isticmaalka adeeggan. In haweenka loo adeegsado agab ahaan – oo ay xayaysiiyaan maryaha la ...
Read More »Subaxaanallah: Xaaskiisa oo dhimatay ayuu sheegtaa inuu kusoo nooleystay lacag dhan $3000.
MUQDISHO (HN) — Marwalba oo aan halkan kusoo bandhigayno dhaqamada dadyowga kale oo aan Muslimiinta ahayn, ujeedku waa inaan fahamno nimcada iyo quruxda diinta Islaamka ee Ilaahay uu naga dhigay kuwo heysta oo Muslimiin ah. Lammaanayaasha Muslimiinta ah marka ay ifka ku kala tagaan, waxaan rumeysannahay inay dib, in sha Allah, ay isula midoobi doonaan Jannooyinka Ilaahay u diyaariyay addoomadiisa ...
Read More »