crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Dumarka Shiinaha ma ahan agab ‘wax lagu xayaysiisto’. | HimiloNetwork

Dumarka Shiinaha ma ahan agab ‘wax lagu xayaysiisto’.

MUQDISHO (HN) — Xayaysiimaha iyo iibka tooska ah ee lagu iibiyo interner-ka waa ganacsi lacag adag laga soo xereeyo sannad walba. Waxaana wax ka iibsada malyuumaad dad ah oo gudaha Shiinaha ku nool.

Laakiin dhawaanahan waxaa lasoo rogay xeerar adag oo lagu xadidayo ama lagu faafreebayo isticmaalka adeeggan. In haweenka loo adeegsado agab ahaan – oo ay xayaysiiyaan maryaha la iska arki karo ama muujinaya jirkooda intiisa badan – waa ka mamnuuc gebi ahaanba Shiinaha.

Gabar haddii ay wax xayaysiinayso waxaa lama huraan ah inay usoo hagoogato si nidaamsan oo aan jirkeeda la wada arkeyn. Markii si kastaba, sharcigaas uu meel adag ka taabtay shirkadaha xayaysiimaha ku gudubsada, waxay soo kiraysteen rag u xayaysiisa kastuumooyinka iyo rajiistiimada. Waxaana ay taasi la timid dood iyo falcelinno kala duwan.

Aqoonsashada in u adeegsiga jirka haweenka Shiinaha ay waxyeelo iyo foolxumo usoo jiidayso dhaqanka iyo asluubta bulshada, dowladda ayaa lagu bogaadinayaa tallaabtaas. Balse xalka ay lasoo baxeen shirkadaha ayaa geesta kale ka iftiimiyay sida Shiineesku aanay marnaba u wiiqmeyn oo ay hadiyo jeer xal u baadigoobaan.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!