crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Dunida Muslimka | HimiloNetwork | Page 7

Dunida Muslimka

Muslimiinta Adduunka oo ka naxay geerida Sinéad O’Connor. 

MUQDISHO (HN) — Muslimiinta adduunweynaha ayaa la murugoonaya dhimashada fannaanaddii hore Irish-ka oo Muslim noqotay sannado kahor iskana dhaaftay fanka. Sinéad O’Connor oo fankeeda soo bilowday sannadihii 1990 ayaa sannadkii 2018-ka qaadatay diinta Islaamka waxayna la baxday magaca Shuhada’ Davitt. Geerideeda waxay kusoo aaday xilli labo sannadood kahor uu dhintay inankeeda Shane oo 17 jir ahaa. Malahan walaalo kale oo ...

Read More »

Muslim adduun dhan $20,000 ku bixinaya xal-u-helidda darbi-jiifta Toronto.

MUQDISHO (HN) — Ganacsade u dhashay dalka Kanada oo Muslim ah ayaa adduun dhan $20,000 ugu deeqay dowladda hoose Toronto si ay wax uga qabato dhibaatada hoy la’aanta ah ee heysata dadka darbi-jiifta ah. Mohamad Fakih wuxuu sheegay in samafalayaashu ay diyaar u yihiin inay xal dedgeg ah u helaan dhibaatadan oo dadka hoy la’aanta ah lala gaaro gabaad ay ku hoydaan. ...

Read More »

Muslim celiyay lacag kusoo qaldantay oo gaaraysa $716,000.

MUQDISHO (HN) — Muslim qaxooti Suuriya kasoo jeeda ayaa lagu amaanay heerka daacadnimadiisu la eg tahay kaddib markii, sida la sheegay, uu lacag dhan  $716,000 oo si qaldan ugu soo dhacday koontadiisa bangiga uu ugu celiyay qoladii iska laheyd. Dhacdadan ayaa ka dhacday  Dulkadiroğlu, gobalka Kahramanmaraş ee dalka Turkiga, waxaana Omer Abdulkadir uu ku jiray ceymis dhismo oo gurigiisa oo ku ...

Read More »

Masjidka soo dhaweyn u sameynaya carruur qabta xanuunka autism-ka.

MUQDISHO (HN) — Imaamka Masjidka Birmingham ayaa albaabada u furaya waalidiinta iyo caruurta ay dhaleen ee ku dhashay xanuunka autism-ka markii ugu horreysay si loo abuuro jawi is dhexgal iyo isku milan oo dhex mara ubadka Muslimiinta ah iyo waalidiintooda. Tallaabtan ayaa hooyooyin badan oo ilmahooda la xanuunsan yihiin autism-ka waxay ka keentay ilmo farxadeed. Imam Mohammad Asad, oo isku imaatinkii ...

Read More »

Heesaagii hore ee Nigeria oo ka sheekeynaya Islaamnimadiisa.

MUQDISHO (HN) — Abdulrasheed Bello, oo ahaa soo saare filim iyo heesaa ayaa xusay sannadguuradii koowaad ee kasoo wareegtay maalintii uu qaatay diinta Islaamka – isaga oo sheegay inuu helay micnaha dhabta ah ee nolosha iyo xiriirkii uu weligiis jeclaa inuu Ilaahaygii abuurtay la sameysto. JJC Skillz, oo hadda la baxay Bello wuxuu ka warramay sida walaalkiis uu kaga caawiyay ...

Read More »

Qalab jawiga Masjidka Suubanaha ka dhigaya udug iyo caraf oo la rakkibay!

MUQDISHO (HN) — Heerkul mararka qaar aad u daran ayaa ka jira magaaladii Suubanaha NNKH, laakiin waxaa meel walba oo Masjidka Nabiga kamid ah lagu rakkibay qaboojiyayaal jawiga dhan ka yeelaya meel aad u qabow oo hurdadu kaaga soo dhawacayso. Balse taas hadda waxay u muuqatay inaysan kaliya ku fileyn jamaacada salaadaha ku oogaya gurigii iyo masjidkii Suubanaheenna NNKH, waxaana ...

Read More »

Xaajigii Baadariga ahaa saddex bil kahor Xajkiisa

MUQDISHO (HN) — Saddex bilood kahor, baadariga Richmond wuxuu arkay riyo dhexdeeda loogu sheegayo inuu dadka ku xiran kaniisaddiisa ugu yeero Islaamka – waana uu fuliyay amarkaas. Dhammaantoodna, alxamdullilah, waxay noqdeen Muslimiin. Hadda saaxiibadiisa iyo walaaladiisa Muslimiinta ah waxay ugu yeeraan Ibrahim Richmond, oo ah magac uu doortay markii uu diinta qaatay kaddib. Wuxuuna sannadkan kamid ah xujeyda fursadda u heshay ...

Read More »

Garoon kubadda cagta oo mar qura kutubka Qur’anka si weyn loogu dabaaldegay!

MUQDISHO (HN) — Cayaartoyda, calanwalayaasha, iyo garsoorihii dhexdhexaadinayay kulan labo kooxood oo Ciraaqi ku dhex maray garoon kubadda cagta ah ayaa soo qaatay kutubka Qur’anka kariimka ah si ay uga falceliyaan dhacdadii foosha xumeyd ee Sweden lagu sameeyey taas oo ay ka caroodeen Muslimiinta caalamka oo dhan. Laacibiinta labada kooxood ee kala ah; Al-Shorta iyo Al-Qasim ayaa kahor furitaanka kulankooda ...

Read More »

Deeqsinimada Muslimiinta darteed ayuu kusoo ‘islaamay’!

MUQDISHO (HN) — Myles Hembrow wuxuu rumeysan yahay in safarkii uu ugu baxay Cumaan – si uu uga qeybqaato howlgalka xeebaha – uu u ahaa daaqaddii uu ka arkay diinta Islaamka. Waxay ahayd maalinta weyn ee Ciidda, waxaana ninkan uu la dhacay casuumaadda iyo martiqaadka heerka sarreeya oo ay u fidiyeen Muslimiinta. “Waxa iga yaabiyay waxay ahayd innaga oo ah ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!