MUQDISHO (HN) — Tallaab garab istaag iyo gacaltooyo leh ayay ku timid in adduun dhan $10,000 loo ururiyo in lagu dayactiro Masjidka New Mexico kaas oo dhowr jeer lagu soo qaaday weerar – ugu dambeyntiina lagu qasbay in albaabada la iskugu dhifto.
Dad naceyb u qaba Islaamka iyo Muslimiinta ayaa dhowr jeer gudaha usoo galay Masjidka iyaga oo burburiyay wax walba oo dhex yiil. Waxayna sidoo kale jeexjeexeen kutubta Qur’anka. Waxaana gidaarrada Masjidka lagu qoray ereyo naceyb ah oo ka dhan ah Islaamka iyo Muslimiinta.
Waxa xanuunka badan ayaa ah in naca kusoo duulay Masjidka ay khamri ku shubeen kutubada – sidoo kalana ay ku dhex kaadsheen gudihiisa. Kooxda xagjir Caddaanka ah oo la yiraahdo Ku Klux Klan ama KKK ayaa falkaas foosha xun ka dambeeyey.
Ol’olaha dib loogu dayactirayo ayaa lagu qiyaasay inay ku kici karto $40,000, waxaana ilaa hadda gacanta lagu hayaa 10,000.
Dadka naceybka u qaba Islaamka iyo Muslimiinta ee falkan ka dambeeyey waxay sidoo kale astaanta diinta Kirishtanka iyo magaca Nabi Ciise CS oo ay iyagu u aaminsan yihiin inuu wiilka Ilaahay yahay ayay ku xardheen gidaarrada.
You must log in to post a comment.