crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Dunida Muslimka | HimiloNetwork | Page 37

Dunida Muslimka

61 kun oo Carruur ah oo ka qeyb-gashay Ol’olaha Pray & Play.

KONYA (HN) — Dowladda hoose ee magaalada Konya ayaa sannadkii hore bilowday ol’ole cusub oo lagu magacaabo: “Kaalay imow Masjidka oo ku madadaalayso.” Hadafku waa in carruurta jirta da’da 7-14 u dhaxeysa inay salaadd subax kusoo dukadaan masjidka muddo 40 maalmood oo xiriir ah. Carruurta waxaa lagu dhiirri-gelinayaa siinta hadyado qaali ah oo isugu jira kuwo muuqda oo la taaban ...

Read More »

Masjid Baaskiil ku abaal-marinaya Carruurta Ramadaanka kusoo dukada.

MUQDISHO (HN) — Masjid ku yaalla Kelantan, dalka Malaysia, ayaa balan-qaadayaa in carruurta salaadaha soo xaadirta Masaajidda inta lagu jiro bisha Ramadaan ay heli doonaan baaskiilo abaal-gud ah. “Kuwa salaadda subaxa, maqribka iyo cishaha masaajidda kusoo dukada, waxaa la siin doonaa baaskiil,” ayuu yiri Imam Ustaad Baharin Yuusuf ee masjidka Mahmudi.Yuusuf wuxuu sheegay in ol’olaha la bilaabay sannadkii hore si ...

Read More »

8 jir doonaya in Bisha Ramadaan oo dhan uu soomo!

Kampala (HN) — Ka Abdulraheem Basalirwa, oo ah 8 jir u dhashay dalka Uganda, taniyo markii lix jirsaday wuxuu jeclaa inuu soomo.Sannadkan, wuxuu doonaya inuu bisha oo dhan soomo, sida ay soo xigatay Khaliij Times. “Carruurnimadaydii ayaan jeclaa inaan soomo markii aan arko walaalkey iga weyn oo soomaya, waxayse ahayd mid ii daran,” ayuu yiri. “Maalinti koobaad waxaan dhaafi waayay ...

Read More »

Sababta Hindiya ay u dooneyso inay xirto Daaciga Zaki Naik.

MUMBAI (HN) — Waxaa bartiisa facebook ku tixan dad gaaraya 16 milyan; twitter-kiisa 150,000, wuxuuna jeediyay ku dhawaad 4,000 oo muxaadarooyin ah kuna saabsan diinta Islaamka dunida oo dhan. Hayeeshe, Zaki Abdulkarem Naik, oo ah daaci iyo seynisyahan Muslim Hindiyan ah, waxaa hadda ku raad-joogta oo dooneysa dowladda Hindiya. Taniyo markii Xisbiga BJP Party oo uu hoggaamiyo Narendra Modi uu ...

Read More »

Erdogan oo xariga ka jaray Masjidka ugu weyn dalka Turkiga.

Istanbul (HN) — Masjidka Camlica oo loo dhisay qaab-dhismeedkii farshaxan ee Cismaaniyiinta – kaas oo halkii mar qaadi kara tiro gaaraysa 63,000 oo Muslimiin ah – ayaa laga furay magaalada Istanbul. Madaxweynaha Turkiga, Rajab Dayyib Erdogan ayaa maalintii Jimcaha albaabada u furay. Dhismaha Masjidkan ayaa soo socday taniyo sannadkii 2013-ka, waxaana uu ka weynaaday Masjidka Sabanci kaas oo mar qura ...

Read More »

Filim-sameeye Malaysian ah oo qaatay diinta Islaamka.

Kuala Lampur (HN) — Michael Ang, oo ah filim-sameeye caan ah oo u dhashay dalka Malaysia ayaa shaaciyay inuu qaatay diinta Islaamka sannad kahor – isaga oo tilmaamay inuusan rabin dadku inay ku wareeraan marka ay arkaan isaga oo sii galaya Masaajidda si uu ugu dhex cibaadeysto. “Allaa mahad leh, waxaan ahay qof Muslim ah muddo la joogo sannad, waxaana ...

Read More »

Muslimiinta Ghana oo helay Tarjumada Qur’anka Kariimka oo afkooda ku qoran.

Accra (HN) — Qeyb kamid ah baahinta fahamka diinta Islaamka ee buslahada Muslimiinta Ghana, tarjumadii ugu horreysay Qur’anka oo ku qoran afka Akan ee lagaga hadlo gudaha dalka Ghana ayaa lasoo saaray, sida laga soo xigtay Prime News Ghana. Luqadda Akan ayaa ah midda ugu weyn ee looga hadlo Galbeedka Afrika. “Safarkaygii xiisaha lahaa oo aan Qur’anka ku tarjumay afka ...

Read More »

Bisha Ramadaan oo Isniinta ku beegan.

MUQDISHO (HN) — Malaayiin Muslimiin ah ayaa u dabaal-degaya soo dhaweynta Bisha Barakaysan ee Ramadaan oo la filayo inay dhalato 6 bisha May oo ku beegan Isniinta beritto ah. “Dadaalkii aan shalay oo dhan soo wadnay wuxuu caddeeyey in maalinta Isniinta ah mooyee maalin kale uusan ku beegmi doonin dhalashada Ramadaanka,” ayaa lagu qoray war-qoraal ah oo ay soo saartay ...

Read More »

Masjid Minaarad leh oo laga dhisayo Koofurta dalka Croatia.

Zagreb (HN) — Riyada ah yeelashada Masjidkii ugu horreeyey oo leh minaarad in laga dhiso magaalada Dubrovnik ee dalka Croatia ayaa u muuqata mid muddo laba sano gudaheed ah ku rumoobi doonta, sida laga soo xigtay Total Croatia News. Fehim Vukotic oo ah madaxa bulshada Muslimka ah ayaa yiri: “Mashruuca dhismahani wuxu u muuqda mid hir-galaya. Wax badan ma qaadanayso ...

Read More »

Sidee Muslimiintu kaga qeyb-qaateen Samata-bixinta Xasuuqii ka dhacay Rwanda?!

Kigali (HN) — 25 sanno kaddib Xasuuqii Rwanda wuxuu ifinayaa xaqiiqooyin aan lasoo hadal-qaadin in badan – doorkii Muslimiintu ku lahaayeen badbaadinta dadkii lagu gumaadayay Xasuuqa ayaana kamid ah. Kumanaan ka baqa-cararay Xasuuqa oo soo magansaday gudaha Masaajiddii Rwanda si ay ugu nabad-galaan, wuxuu ahaa waqti ay diinta Islaamka ku qaataan. “Xasuuqa kahor, waxaan ahaa Katoolig,” Matabaro Suleyman, ayaa u ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!