crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Bisha Ramadaan oo Isniinta ku beegan. | HimiloNetwork

Bisha Ramadaan oo Isniinta ku beegan.

MUQDISHO (HN) — Malaayiin Muslimiin ah ayaa u dabaal-degaya soo dhaweynta Bisha Barakaysan ee Ramadaan oo la filayo inay dhalato 6 bisha May oo ku beegan Isniinta beritto ah.


“Dadaalkii aan shalay oo dhan soo wadnay wuxuu caddeeyey in maalinta Isniinta ah mooyee maalin kale uusan ku beegmi doonin dhalashada Ramadaanka,” ayaa lagu qoray war-qoraal ah oo ay soo saartay Maxkamadda sare ee Sucuudiga.

Guddiga Raadinta Bisha ee Kuwait ayaa sidoo kale sheegay in maalinta Isniinta ah ay ku beegnaan doonto maalinta koowaad ee bisha Ramadaan.

Australia ayaa si lamid ah laga xaqiijiyay in Isniinta beritto ah laga bilaabi doona soonka bisha Ramadaanka. Dowladaha kale sida Qadar, Masar, Baxreyn, iyo Turkiga ayaa isla qaatay in Isniinta beritto ah ay noqon doonto Maalinta ugu horreysa bisha Ramadaanka.


error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!