crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Muslimiinta Ghana oo helay Tarjumada Qur’anka Kariimka oo afkooda ku qoran. | HimiloNetwork

Muslimiinta Ghana oo helay Tarjumada Qur’anka Kariimka oo afkooda ku qoran.

Accra (HN) — Qeyb kamid ah baahinta fahamka diinta Islaamka ee buslahada Muslimiinta Ghana, tarjumadii ugu horreysay Qur’anka oo ku qoran afka Akan ee lagaga hadlo gudaha dalka Ghana ayaa lasoo saaray, sida laga soo xigtay Prime News Ghana.


Luqadda Akan ayaa ah midda ugu weyn ee looga hadlo Galbeedka Afrika.

“Safarkaygii xiisaha lahaa oo aan Qur’anka ku tarjumay afka Akanka, wuxuu igu qaatay muddo afar sanno ah,” ayuu yiri Shiikh Harun Nkansah Agyekum isaga oo ka hadlayay xafladda lagu daah-furayay Kitaabka.

Imaamkii hore ee Ciidama Qalabka-sida ee Ghana, Cumar Sanda Axmed ayaa Sheikh Harun uga mahad-celiyay dadaalkii mira-dhalka noqday.

“Waxay runtii tallaabadani keeneysa inay isku xirmaan nolosha iyo caqiidada iyo in bulshadu waqti fiican u hesho barashada diinteeda,” ayuu yiri Cumar.

Isaga oo sii hadlaya, Sheikh Harun wuxuu sheegay in bulshada Muslimiinta ah looga baahan yahay inaysan isku koobin farriimaha Nabadda iyo Naxariista oo ay soo dhaweyn iyo qaddarin u muujiyaan diimaha kale dadka aaminsan.

Marka loo eego tira-koobkii 2017-ka, Muslimiinta ayaa tirada Ghana waxay ka yihiin 45%. Diinta Islaamka ayaana dalkan soo gaaray qarnigii 10aad kahor Masiixiyadda oo soo gaartay qarnigii 15aad.



error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!