Kuala Lampur (HN) — Michael Ang, oo ah filim-sameeye caan ah oo u dhashay dalka Malaysia ayaa shaaciyay inuu qaatay diinta Islaamka sannad kahor – isaga oo tilmaamay inuusan rabin dadku inay ku wareeraan marka ay arkaan isaga oo sii galaya Masaajidda si uu ugu dhex cibaadeysto.
“Allaa mahad leh, waxaan ahay qof Muslim ah muddo la joogo sannad, waxaana rabaa inaan u sheego dadka Malaysia islaamnimadayda,” ayuu kusoo qoray bartiisa Instagram-ka.
Filim-soo-saarahan ayaa sidoo kale Islaamnimadiisa wuxuu muuqaal uu iskaga soo duubay soo dhigay bartiisa youtube-ka.
Ang wuxuu sheegay inuu wali baranayo diintiisa cusub, tukashada salaaddana uu goor hore bilaabay.
Malaysia ayaa ah dal ay aqlabiyaddiisu leeyihiin Muslimiinta kuwaas oo ku fadhiya 61% tirada dadweynaha.
You must log in to post a comment.