crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Dunida Muslimka | HimiloNetwork | Page 3

Dunida Muslimka

Feeryahanka Jeff Monson oo qaatay Islaamka.

MUQDISHO (HN) — Feeryahanka iyo legdamaha u dhashay dalka Ruushka, Jeff Monson ayaa qaatay diinta Islaamka – isaga oo gudaha caasimadda Moskow ka dhex aqriyay kalmadda tawxiidka ama shahaadada. Muuqaal lasoo dhigay baraha bulshada aadna ugu baahay ayuu Moson ku dhawaaqayaa kalmadda tawxiidka. Feeryahankan miisaanka culus oo ah Ruushiyan Maraykan ah, wuxuu kasoo muuqday tartamo badan oo uu guulo weyn ...

Read More »

Carruurta Muslimiinta UK oo adduun dhan $132,000 u ururinaya walaalaha Falastiin iyo Yemen!

MUQDISHO (HN) — Carruurta Muslimiinta Britain waxay lacag dhan $132,000 ka ururiyeen mashruuca cunno karinta si ay u caawiyaan qoysaska Muslimiinta ah ee ku barakacay dalalka Falastiin iyo Yemen. Ol’olahan bani-aadanimada, oo loogu magac daray Ramadan Kids, waxaa markii ugu horreysay bariga London kasoo bilaabay Zaavier Khan muddo hadda laga joogo afar sano. Khan wuxuu markiisii ugu horreysay mashruuciisa bilaabay sannadkii 2021 si uu ...

Read More »

Ukuntii ugu qaalisaneyd abid oo lagu kala iibsaday $2700.

MUQDISHO (HN) — Deeqsinimadu ma ahan arrin la xiriirta maalqabeennimada. Mana jirto tusaale kaga habboon sheekadan soo aadan. Hooyo Muslimad ah oo aad u qabowday ayaa u timid Guddi gacanta ku hayay dhismaha Masjid la rabay in laga dhiso deegaankeeda. Waxayna u dhiibtay xabbad ukun ah oo, sida ay tiri, ugu tala-gashay inay ku darsato dhismaha Masjidka. Qiimaha halkii xabbo ...

Read More »

Muslim gaari gubanaya kasoo badbaadiyay darawalkii ku jiray!

MUQDISHO (HN) — Qalabka wax duuba ayaa qabtay muuqaalka Muslimiin samafalayaala ah oo gurmad degdeg ah la gaaraya qof ku dhex xirmay gaari gubanaya gudaha magaalada St. Paul, Minnesota. Muuqaalka oo aad u baahay wuxuu muujinayaa badbaadiyaasha oo ka dheereynaya waqtiga si halhaleel ah kaddib markii dabk uu si xooggan u wada qabsaday gaari uu ku dhex jiray qof. Kadir ...

Read More »

Jilaaga reer Holland oo qaatay diinta Islaamka!

MUQDISHO (HN) — Jilaaga caanka ah ee u dhashay dalka Holand, Donnie Roelvink ayaa maalintii Jimcaha ku dhawaaqay inuu qaatay diinta Islaamka – wuxuuna ku dhawaaqay kelmadda towxiidka ama shahaadada. Donnie oo ahaa shaqsiyad shacbiyad weyn ku dhex leh gudaha dalkiisa ayaa la arkay muuqaal uu kelmadda towxiidka ku dhawaaqayo oo aad u qabsaday baraha bulshada sida instagram-ka isaga oo ku ...

Read More »

Maxbuus Muslimiinta Falastiin Mushaharkiisa oo dhan ugu deeqay!

MUQDISHO (HN) — Sanduuqa la isku taakuleeyo ee GoFundMe wuxuu ilaa hadda lacag dhan $102,000 u ururiyay Hamza oo ah maxbuus Maraykan ah oo dhammaanba lacagihii uu ka dhex shaqeystay gudaha xabsiga ugu deeqay walaalihiisa reer Falastiin. 40 sanno ayuu maxbuus ahaa waxaana la filayaa inuu goordhow kasoo baxo noloshaas uu galay isaga oo soo qaangaaraya. Wuxuu toddobaadkan ugu deeqay ...

Read More »

Gudaha Masaajidda Istanbul ee lagu dhex jimicsado!

MUQDISHO (HN) — Jamaacada masaajidda qaar ee Istanbul waxay subax walba salaadda kaddib kusii negaadaan masjidka si ay ugu jimicsadaan dhexdiisa. Weliba waxay u qabsadeen tababbare jidhis si uu kaga caawiyo. Sidaas darteed – iyaga iyo Imamkoodu – waxay saf kale oo aan kii salaadda ahayn u wada galaan si ay ugu hoggaansamaan tilmaamaha uu bixiyo macalinkooda. Masjidka Abdulhamid Han ...

Read More »

“Islaamku wuxuu iga saaray noloshii foosha xumeyd ee qamriga iyo rabshada.”

MUQDISHO (HN) — Fatimah O’Sullivan waxay gu’yaal badan la daalaa-dhacaysay isku buuqsanaan iyo xanuun dhinaca maskaxda ah oo u diiday xasiloonida. Laakiin hadda waxay sheegtay inay heshay ujeeddada dhabta ah ee nolosha iyo sirta xasiloonida. Waxay soo gabagabeysay nolol mugdi ah oo khamri cabid iyo rabshado ah. Waxayna qaadatay diinta Islaamka. Waxay ku dhalatay Scotland waxayna usoo wareegtay London kahor ...

Read More »

Laacib u dhashay Spain oo qaatay diinta Islaamka!

MUQDISHO (HN) — Jota Peleteiro, oo ah laacib hore oo usoo cayaaray kooxaha Alaves, Brentford iyo Aston Villa ayaa qaatay diinta Islaamka. 32 jirkan u dhashay dalka Spain wuxuu sheegay inuu la dhacay dadnimada iyo dabciga qofka Muslimka. Wuxuu tilmaamay in wadaaynimada saaxiibkiis Faisal Buresli, oo u dhashay Kuwayt uu ku dareemay deganaan iyo inuu jecleysto diinta Islaamka, sida ay kusoo warrantay ...

Read More »

Da’yar Muslim ah oo badbaadiyay nolosha 29 qof!

MUQDISHO (HN) — Wuxuu abaalmarinta MBE ku helay badbaadinta 29 qof oo rabay inay nafta is dhaafiyaan ama naftooda dilaan. Rizwan Javed waa Muslim British ah oo ka shaqeeya saldhigyada tareenada wuxuuna hadda magaciisa uga faa’iideysanayaa inuu maareeyo xaaladda ah adag ee ka dhalata quusta, niyadjabka iyo buuqa oo qofka ugu dambeyn ku kalifta inuu nafta is dhaafiyo. Javed oo bariga ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!