crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Gudaha Masaajidda Istanbul ee lagu dhex jimicsado! | HimiloNetwork

Gudaha Masaajidda Istanbul ee lagu dhex jimicsado!

MUQDISHO (HN) — Jamaacada masaajidda qaar ee Istanbul waxay subax walba salaadda kaddib kusii negaadaan masjidka si ay ugu jimicsadaan dhexdiisa. Weliba waxay u qabsadeen tababbare jidhis si uu kaga caawiyo.

Sidaas darteed – iyaga iyo Imamkoodu – waxay saf kale oo aan kii salaadda ahayn u wada galaan si ay ugu hoggaansamaan tilmaamaha uu bixiyo macalinkooda.

Masjidka Abdulhamid Han oo kamid ah 11-kaas Masaajid wuxuu aroor walba 15 daqiiqo ku bixiyaa jirdhis uu jamaacadiisa ku dhex siiyo taniyo bishii Janaayo ee sannadkan.

“Qofku waa sida gaariga oo kale. Waa inuu dhaqdhaqaaqiisu badan yahay – haddii kale wuu duugoobaya,” ayuu yiri Servet Arici oo 66 jir ah.

“Waan ku faraxsanahay inaan xubin walba oo jirkayga kamid ah ka shaqeysiiyo,” ayuu sii raaciyay Huseyin Kaya, oo 75 jir ah.

Islaamku wuxuu dhiirrigeliyaa jimicsiga iyo bedqabka qofka Muslimka ah si uu danihiisa adduun iyo middiisa aaqiro ugu qumo.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!