crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Laacib u dhashay Spain oo qaatay diinta Islaamka! | HimiloNetwork

Laacib u dhashay Spain oo qaatay diinta Islaamka!

MUQDISHO (HN) — Jota Peleteiro, oo ah laacib hore oo usoo cayaaray kooxaha Alaves, Brentford iyo Aston Villa ayaa qaatay diinta Islaamka.

32 jirkan u dhashay dalka Spain wuxuu sheegay inuu la dhacay dadnimada iyo dabciga qofka Muslimka. Wuxuu tilmaamay in wadaaynimada saaxiibkiis Faisal Buresli, oo u dhashay Kuwayt uu ku dareemay deganaan iyo inuu jecleysto diinta Islaamka, sida ay kusoo warrantay Al-Qabas.

Toddobaadkii tagay, si kastaba, wuxuu u duulay Kuweyt si uu kelmadda tawxiidka loogu qabto halkaas. Sannad kahor ayuu sheegay inuu qaatay inuu Islaamka qaato.

Islaamku waa diinta ugu weyn uguna faafidda badan caalamka oo ay heystaan in ka badan 2.2 bilyan oo qof.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!