crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Ban-dhigga Buugaagta oo maalintii 2aad socda. | HimiloNetwork

Ban-dhigga Buugaagta oo maalintii 2aad socda.

Muqdisho (Himilonetwork) – Maalintii labaad waxaa Muqdisho ka socda ban-dhiga buugaagta ee Mogadishu Book Fair kaas oo maalintii shalay ahaa soo bilowday.
Sida caadadu ahayd, bandhigga maanta wuxuu isugu jiray khudbado kookooban, fikir is-weydaaris, falan-qeynta mowduucyada bulshada la xiriira iyo ugu danbeyn booqashada buugaagta ay qoreen qorayaasha.
Kulanka waxaa kasoo qeyb-galay aqoon-yahanno maalintii labaad ku qornaa jadwalka kuwaas oo mowduucyada loo qoondeeyey aad ula qaadaa-dhigay ka qeyb-galayaasha.
Sidoo kale, lakabyada ugu sarreeya dowladda dhexe sida RW Xasan Ali Kheyre ayaa galabta booqasho ku yimid madasha – isaga oo qiimeeyey sida hufan oo ay ku socto ban-dhigga.
Qoraa Axmed Faarax Ali Idaajaa iyo aqoon-yahanno hore oo qoray buugaag afka iyo dhaqanka, siyaasadda iyo dowlad-wanaagga taabanaya ayaa kulanka maanta joogay. Idaajaa ayaa qoray buug la yiraahdo Silsiladda Xulka Suugaanta Soomaalida kaas oo daah-furkiisa ku faahfaafiyay nuxurka uu sido.
Axmed Dhicisow oo sidoo kale ah, tifaftiraha wargeyska Xamar iyo ruug-cadaaa saxaafadeed ayaa laba buug oo lagu kala magacaabo Gool iyo Raadadka Dowladdii Rayidka kusoo ban-dhigay carwada.
Buugga kale oo wadajir ku wada ay ku qoreen prof. Mustafa Feyruus, dr. Abdiraxman Baadiyow iyo Peter Chonka oo lagu magacaabo Xoojinta Cilmiga iyo Cilmi-baarista ayaa lagu daah-furay bandhigga.
Qorayaasha kale ee dibadda ka yimid oo af Soomaaliga mooyee afaf kale ku qoray waxaa kamid ah Dominique Alonga oo qoray Youth and Innovation: Unbounded oo  uu qoray Boniface Mwangi: Gumba goes on Safari oo uu qoray Karimi Gatimi: iyo Humble Reflection oo uu qoray Ibrahim Bidu.
Maalinta berri oo lagu wado in lasoo afmeero bandhigga waxaa si lamid ah lagu daah-furi doonaa buugaag kale waxaana la filayaa inuu kasoo qeyb-galo Madax-weynaha JFS, Maxamed Abdullahi Farmaajo.
Ban-dhigga MBF2017, wuxuu qabsoomayaa sanadkii saddexaad oo xiriir ah, waxaana taasi ay ka dhigan tahay inuu ku socdo niyad-samidii uu kaga baahnaa bulshada Soomaaliyeed oo lagu tilmaamo umad af-maal oo aan heli karin fursad ay wax qariska iyo qoraalka ku baadi-goobto.
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
Xigasho – radiohimilo.so
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!