crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Haweeneyda ugu baararka dheer adduunka. | HimiloNetwork

Haweeneyda ugu baararka dheer adduunka.

Muqdisho (Himilonetwork)  – In la yiraahdo You Jianxia waxay leedahay baarar dheerdheer kuma eka qiimayntii loo baahnaa. Celceliska baararku waxay dheeraan karaan 0.8 iyo 1.2 cm – laakiin haweeneydan oo baararka indhaheeda ay gaareen 12.4 cm – kana dhigan 5 inch – waa qiimayn kale.
Buugga Guinness ayay sanadkan ku galaysaa gabadha ugu baararka dheer dunida, waxaana loolanka kula jira 500 murashaxiin kale ah. Balse majiro qof usoo dhawaan kara dhererka baararkeeda.
You waa agaasimihii hore ee shirkadda maal-gelineed oo xarunteedu tahay Shangai dalka Shiinaha. Waana 49-jir hadda usoo geyfan ku guuleysiga biladda GB record.
Sida ay sheegtay, baararkeedu maysan dheeraaneyn taniyo yaraanteeda. Waxay kaliya ku baraarugtay sanado kahor markii ay ka shaqeynaysay shirkadda. Sanadkii 2013 ayay qaadatay naanaystii ugu horreysay ee loogu yeero baararkeeda awgeed.
You-Jianxia-eyelashes2-750x500 You-Jianxia-eyelashes3
You-Jianxia-eyelashes4-750x494
Xigasho – radiohimilo.so
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!