Muqdisho (Himilonetwork) – Haweenka wadanka Hindiya oo markii ugu horreysay Qoyskooda si wada-jir ah wax ula cunaya
Cuntada ayaa si wadajir ah loo keenay miiska qadada iyada oo dhammaan qoysku ay soo fariisteen hareeraha iyaga oo sheekeysanaya: iskuna marxabeynaya.
Laakiin, dhaqan ahaan, cunidda wada-jirka ah kameysan jirin waddanka Hindiya. Ragga iyo carruurta ayaa ugu horreyn raashiinka cuni jiray: kadibna xoolaha: markaa kadib ayay dumarku u fadhiisan jireen cunidda.
Balse, dhaqankaas malaayiin qoysaska saboolka ah ayaa kala kulmay cawaaqib aan loo baahnayn iyo macluul tira badan.
Si walba ha ahaatee, dadka u ol’oleeya in la cirib-tiro dhaqankan ayaa ku booriyay haweenka inay raashiinka la cunaan qoysaskooda intii ay kalinimo ku cuni lahaayeen.
Qofna magaranayo goorta, halka iyo sida uu ku bilowday, xilliga uu bilowday dhaqankan, laakin dhammaan waddanka Hindiya aad ayuu ugu faafay.
