crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Ban-dhigga Buugaagta ee Muqdisho oo sanadkii 3aad furmaya. | HimiloNetwork

Ban-dhigga Buugaagta ee Muqdisho oo sanadkii 3aad furmaya.

Muqdisho (Himilonetwork) – Sanadkii saddexaad oo xiriir ah waxaa Muqdisho lagu qabtay ban-dhigga buugaagta ee Mogadishu Book Fair kaas oo lagu qabtay Hotelka Royal Palace.
Ban-dhigga oo socon doona muddo saddex maalmood ah waxaa maalintii ugu horreeyey kasoo qeyb-galay dad kala duwan oo ka kala yimid goballada dalka iyo dibadaha.
Mas’uuliyiin kala duwan oo dowladda Soomaaliya ka socda, ururrada dhalinyarada, akadeemiyada fanka iyo suugaanta, aqoon-yahanno iyo qorayaal dibadda laga casuumay qaarkood ayaa goob joog ka ahaa.
Ku dhawaad 31 qorayaal ah oo isugu jira lab iyo dhedig da’ ahaan isku dhow iyo kuwa berisamaadkii wax ku qori jiray war-geyskii Xiddigta Oktober ayaa goobta kusoo ban-dhigay buugaag kala duwan oo badigood lagu qoray afka Soomaaliga.
Waxaa kale oo jiray buugaag lagu qoray afka Booranta iyo luqadaha kale sida English-ka iyo Arabica.
Marka loo eego agaasime Maxamed Diini, tirada sanadkan kasoo qeyb-gashay ban-dhigga waxay gaarayaan 1500 oo qof taas oo aad uga badan tirade sanadkii hore soo xaadirtay. Mana ahan mid ay filayeen. Sidoo kale, buugaagta sanadkan ayaa aad uga badnaa tiradii lasoo ban-dhigay sanadkii hore.
Mana ahayn kaliya dadka lixaadkoodu wacan tahay kuwa camiray goobta. In kale oo soctay dadka baahiyaha gaarka ah qaba ayaa kamid ahaa. In kasta oo ay tiro ahaan aad u yaraayeen, haddana farriintoodu way caddeyd – ka qeyb noqoshada jiilka Soomaalida cusub ee halheyska loo qaatay.
Kasokow sida ban-dhiggan oo kale loogu qabto magaalooyinka waaweyn ee dalka sida Garoowe, Kismaayo, Hargeysa iyo kuwa kale, waxaa jira dad deegaannadaas isaga kala yimid oo jecleystay inay waaya’aragnimadooda caasimadda dalka kula wadaagaan bulshada Soomaaliyeed.
Waxa sida gaarka sanadkaan xiisaha ku beeray dadkii soo xaadiray ban-dhigga waa la kulanka dad aan kaliya joogin dalka, balse sidoo kale aan ku dhaqan iyo midab ahayn oo waaya’aragnimadooda la wadaagaya.
Sida dardarta leh oo ay ku bilaabatay waxay ka dhigan tahay dhacdo aad loogu jeel-qabay furitaankeeda. Isku darka dadkii kasoo qeyb-galay labadii sano ee lasoo dhaafay iyo inta sanadkan la kowsatay waxay ka dhigaysaa sanad-guurada bandhiga mid sanadba sanadka kasii danbeeya kulminaysa dad isku cusub.
Taasi oo diraysa dhanbaal aan kaliya ku saabsanayn dhalashada ilbaxnimada Soomaalida cusub ee wax aqriska iyo qoraalka ku indha-furanaysa, balse sidoo kale is-dhex-gal ugub ah oo ku salaysan aqoon iyo is af-garad.
Dad badan ayaa ban-dhigga saddex sano jirsanaya ku tilmaami kara mid kusoo beegmay waqtigii loo baahnaa. Balse macno kasta oo lagu sheego kaalinteeda, jiilka Soomaaliyeed waxaa u furmaya mustaqbal cusub raadkii hore ee isirkooda iyo sahanka timaadadooda ugu keydin kara qoraal iyo dhigaal.
Ban-dhiga oo la qorsheeyay inuu socdo 13, 14 iyo 15 bishan, wuxuu sida laga bartay bilowgiisa ku dhamaan doonaa niyadsami iyo kalgacal qalbiyada ugu waara Kacaanka Soomaalida cusub ee u jiheysatay ilbaxnimada aqriska iyo qoraalka.
Xigasho – radiohimilo.so
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!