crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Q2aad: Nolosha iyo Aqoonta Goroyada | HimiloNetwork

Q2aad: Nolosha iyo Aqoonta Goroyada

Muqdisho (Himilonews) – Goronyadu waa un laba iyo mid unug oo shinbir weyn oo duulis la’aan ah. Waxay gaar ku tahay Afrikada hodanka ah. Xubinta kaliya ee ka nool namuunadiisa ku qoyska ah—genus Struthio—taas oo ku dir ah Qoyska Ratite. Cilmi baaris dhowr gu’ lagu howlnaa ayaa qeexday in Goroyadeena Soomaaliyeed ay tahay unug-dhamayska ugu quman Goroyada dunida oo ay dhumuc iyo dheehba kaga fiican tahay kuwa kale.
Il-qabad muuq iyo milicsi leh iyo luqun iyo lugo dhaadheer ayaa siisay tilmaan dheeg iyo dheerayn leh inay ku gaar noqoto. Waxay tallaabsan kartaa 3—5 Mitir markaliya. Waxayna ordi kartaa 70km/h saacadiiba una dhiganta 20m/s daqiiqadiiba. Goroyadu waa Shimbirta ugu dhul-xawaareyn dheer shimbiraha. Goroyadu waa bahda Haadda tan ugu weyn kana dhigan shimbirta “Haadda” ugu ukunta weyn.
Ugu badnaan, Goroyadu calafkeedu waa dhirta cagaaran waloow noolaha aan laf-dhabarta ahayn ay kolkol cunto. Waxay isku raacda cutub-cutub 5—50 xubnood ah. Kolka la carcariyana, way is-dadaa ama dudaa. Hadiise la dagaalo, waxay ku dirirtaa lugaheeda xoogga badan.
Goroyada waa la gaasa-bixiyaa meelo dunida kamida ah. Baalal dheg iyo qurux leh. Kasokow quruxdana, loo adeegsado agab-wax-lagu-soo saaro ayaa ku shakaalan. Hilibkeedana ganacsi ahaan ayaa loo maal-gashtaa. 
Wuxuu caadi ahaan culeyskeedu gaaraa 63—145 Kilogram una dhiganta culeyska laba qofood oo da’dhaxaad ah. Midda ku nool dhulkeenna Haldhaagu wuxuu culus yahay 115 Kg oo dhumuc ah.  Wuxuuna dheer yahay illaa iyo 2.1—2 .8 Mitir oo dhirir ah. Halka Goroyo-cawshuna culus tahay ilaa 100 Kg oo dhumuc ah. Waxaana dhirirkeedu gaaraa inta u dhaxeysa 1.7—2 Mitir oo dhirir ah.
Sanadka ugu horreeya nolosha, Wariilluhu/Hal-garacu wuxuu koraa 25 cm Bishiiba. Sanad-guuro kadibna, wuxuu culeyskiisu noqdaa in ku dhow 45 Kilogram oo dhumuc ah.  Celcelis ahaan, waxay noolaan kartaa 40—45 gu’yaal. Goroyadii ugu cimri badneyd ifka waxay ku dhimatay 67 gu’yaal iyo 7 bilood. Waxay biyo la’aan joogi kartaa maalmo dhowr ah. 
Goroyadu waxay galmo “kudmo” iskugu golaadisaa da’da 2—4 sano. Goronyo-cawsha ayaa lix bil kahor qaan-gaarta Haldhaaga. Waxay dhigtaa ukun uu culeyskeedu yahay 1.4 kilogram—15 cm oo dhirir ah, halka uu ballaarkeeduna yahay 5.1 inch. Taas oo 20 jeer ka weynin badan midda Digaaga. Ukumaha waxaa huuriya Goroya-cawsha maalintii. Halka habeenkina uu huuriyo Haldhaaga. Xilliga huuriska ukuntana wuxuu gaaraa 35—45 maalmood.   
  • Af-goronyooy ii sahansanid!
  • Caqliga Goroyo kaa sasabatay!
Sidaas ayuu Xabbad Ibraahim u kala dhigay Ugaadha, isagoo sheegay in guud ahaanba Ugaadhu urta wax ku garato marka laga reebo Goroyada iyo Halgeriga oo ugu il-dheer oo meel aad u fog kaa garta oo iyaga dareenka indhaha ayaa loo geliyay. Xabbad Ibraahim intaa wuxuu ku darayaa, in sadax ay kaa gartaan geedka jirridiisa markuu Beydarku/gabraaruhu ku jiro, kuwaas oo kala ah:      
  • Libaaxa,
  • Goroyada,
  • Guudlaha oo dhanna ka ah Goroyo, dhanna Digiirin.
Xigasho–Buugga Duur-joogteenna oo uu qoray Qore Zakariya Hassan Muhumed “Hiraal.”
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!