crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Nolosha Daanyeerka | HimiloNetwork

Nolosha Daanyeerka

Muqdisho (Himilonews) – Jaad nafleyda caanaha leh kamid ah oo xagga abuurka iyo baxaalliga aad dadka ugu dhow. Wuxuu laayaan ku yahay Muuska oo uu aad u jecelyahay. Beeraha iyo goofafka ayuu ku dhaqmaa. Dad lajoogana wuu yaqaan. Waa la rabbaystaa oo adeegsi buu galaa. Waase camal xun yahay oo hadduu guhaado laguma dhaco; afar-gacnoodle ~ Muusa-korow ama Daanyeer.
Kiisa labka ah ee aadka u filweynaada waxaa loo yaqaan Daaxuur. Halka ta dhedigga ahna lagu magacaabo Daanyeer. Dhasha yaryar ee Daanyeerka waxay carcar ku noqdaan bilowga if-usoo-baxooda. Daanyeerku degta ama badi dabada ayuu ku qaataa dhashiisa; kolkolna calooshay isku duubaan. 
Waxay noolaan karaan ku dhawaad 12-sano. Halka ay dhif tahay qaarkood inay gaareen 20-sano. Sidka Daanyeerka waxaa loo shintiriyaa 134-maalmood. Waxay leeyihiin culeys u dhaxeeya (19-37 kg). Waxaana jira 260 unug dhameys  ‘species’ oo daanyeerku u kala baxo. 
Xigasho–Buugga Duur-joogteenna oo uu qoray Qore Zakariya Hassan ‘Hiraal.’
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!