crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Dunida Muslimka | HimiloNetwork | Page 16

Dunida Muslimka

Qadar oo farriimo Nabawi ah kusoo dhawaynaysa ka qeybgalayaasha koobka Adduunka.

MUQDISHO (HN) — Iyada oo toddobaadyo un ay ka dhiman yihiin qabashada tartanka caalamiga ah ee kubadda cagta adduunka oo dalka Qadar uu marti-gelinayo sannadkan, waxay xukuumadda Dooxa doonaysaa inay fursaddan ku dhex baahiso dacwada Islaamka iyo farriimaha walaalnimada iyo wanaaga tilmaamaya oo uu Suubanaha NNKH ku booriyay umadda Islaamka meel walba iyo xilli walba oo ay ifka ku nool ...

Read More »

‘Baqtiga cun ama iska baahnow’ – Dugsiyada Faransiiska.

MUQDISHO (HN) — Heerka cadaadis iyo takoornimo ee ka jira Faransiiska wuxuu gaaray heer uu saameeyo saxamada carruurta Muslimiinta ah loogu soo guro cuntooyinka xilliyada ay joogaan dugsiyada wax-barashada. Bixinta cunnooyinka lagu kariyay hilib doofaarka waxay ku kaliftay carruur badan oo Muslimiin iyo Yuhuudi ah inay waayaan doorasho kale oo u bannaan. Waxaana loo sheegay inay baqtiga cunaan ama ka ...

Read More »

Qadar oo furaysa Matxafka Keydka Geeddi-socodkii Muslimiinta.

MUQDISHO (HN) — Iyada oo indhaha adduunweynaha ay kusii jeedaan dalka Qadar oo lagu qaban doono sannadkan koobka adduunka, waxaa dhawaan la daahfuray Matxafka Islaamiga ee Doha kaas oo ka qeyb noqon doona bandhigyada ay xiiseeyaasha kubadda cagta kala kulmi doonaan caasimadda Dooxa. “Waxaan nahay matxafka ugu weyn ee Islaamiga oo ku yaalla Bariga Dhexe,” ayuu agaasime Julia Gonnella, u sheegay ...

Read More »

Macmacaan iyo Ubaxyo: Xuska Dhalashadii Suubanaha NNKH ee UK.

MUQDISHO (HN) — Bulshada Muslimiinta ah ee ku nool Oldham ayaa – munaasabadda xuska dhalashada Suubanaha NNKH awgeed – macmacaan fudud iyo ubaxyo u qeybiyay bulshooyinka ay la nool yihiin. Munaasabadda waxaa soo agaasimay madrasadda Al-Quba waxaana ujeedku ahaa in sare loogu qaado wacyiga iyo fahamka noloshii qurxooneyd ee Suubanaheenna NNKH iyo farriinta Islaamka ee naxariista iyo badbaadada u ah aadanaha ifka ...

Read More »

Aadaanka Salaadaha oo codbaahiyaha loo adeegsan karo hadda kaddib gudaha Colonge.

MUQDISHO (HN) — Markii ugu horreysay taariikhda, Masjidka Dhexe ee magaalada Cologne waxaa codbaahiyaha looga dhawaaqay aadaanka salaadaha. “Tani waa tallaab muhiimad weyn inoogu fadhisa,” ayuu yiri Abdurrahman Atasoy, oo kamid ah saraakiisha gacanta ku heysa masjidka. “Hadda Muslimiintu waxay fahmi karaan in joogitaankooda Jarmalka uu yahay mid dhab ah – oo ay yihiin dad jira oo qeyb ka ah ...

Read More »

Ol’olaha ‘Nabigii Raxmadda’ oo ka socda Hindiya.

MUQDISHO (HN) — Suubanaha NNKH waa naxariis loo soo diray aadanaha ifka ku nool oo dhan. Maadaama lagu jiro bishii uu dhashay Suubanaha NNKH, ururro kala duwan oo Islaami ah ayaa magaalada Mumbai ka bilaabay ol’ole ay rabaan inay dadka aan Muslimiinta ahayn ku baraan noloshii qiimiga badneyd ee Suubanaha iyo Islaamka si ay uga falceliyaan fikradaha sirgaxan ee laga ...

Read More »

Madaxa Apple oo bogaadiyay Muslimad soo saartay app cusub.

MUQDISHO (HN) — 9 jir Muslimad ah oo ku nool Dubai ayaa soo jiidatay indhaha maareeyaha shirkadda Apple, Tim Cook kaddib markii ay soo saartay app-ka iOS. Waxay ku qortay in ka badan 10,000 oo line of code ah app-keeda. Hana Muhammad Rafeeq waxay app-keeda u dirtay Tim Cook oo ah madaxa fulinta Apple. Waxay dooneysay in waalidkeeda iyo dunidaba ay ...

Read More »

Bulsho Muslimiin ah oo jaar Masiixiyiin ah si camali ah u baraya Muhiimadda Islaamku siiyay ilaalinta iyo dhowrista deegaanka.

MUQDISHO (HN) — Fayadhowrka iyo bedqabka degaanku wuxuu Islaamku siiyay ahmiyad sarreysa. Waxaana uu Suubanaha NNKH uu Muslimiinta ku boorriyay inay camiraan dhulka xattaa daqiiqad ugu dambeysa nolosha adduunyada oo Qiyaamuhu dhici rabo. Si kastaba, xubno kamid ah bulshada Muslimiinta Milwaukee oo kaashanaya dhiggooda Mormon ayaa ku asteeyey Maalinta Adeegga Qaranka qabashada howlo nadaafadeed oo laga sameynayo degmooyinka iyo xaafadaha. Ol’olaha ...

Read More »

Masjidka Kentucky oo albaabada u furaya Jaarka si loo fahamsiiyo Islaamka.

MUQDISHO (HN) — Masjid ku yaalla Louisville, Kentucky ayaa albaabada u furaya dadyowga aan Muslimiinta ahayn ee diimaha kale heysta si looga jahli bixiyo aqoondarrida ka heysta diinta Islaamka iyo Muslimiinta. “Waxaan iridaha u balaqaynaa walaalaheenna jaarka ah si ay wax badan uga fahmaan diinteenna – looga shaki iyo turxaan bixiyo ereyada iyo sheekooyinka ay warbaahintu ku marinhabaabiso ra’yulcaamka ee ...

Read More »

Waxay dhimatay iyada oo aqrinaysa Quraanka kariimka ah.

MUQDISHO (HN) — Muuqaalka haweeney Muslimad ah oo u dhalatay dalka Induniisiya – oo geeriyootay iyada oo aqrinaysa Kitaabka Qur’anka – ayaa aad ugu baahay baraha bulshada dalkaas. Waxaana qof walba oo daawaday uu Eebbe uga baryay inuu Jannooyinkiisa ku casuumo. Muuqaalka oo socday 22 ilbiriqsi ayaa la rumeysan yahay in lagu duubay goob xaflad diimeed ay ka socotay. Waxaana ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!