crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Qadar oo farriimo Nabawi ah kusoo dhawaynaysa ka qeybgalayaasha koobka Adduunka. | HimiloNetwork

Qadar oo farriimo Nabawi ah kusoo dhawaynaysa ka qeybgalayaasha koobka Adduunka.

MUQDISHO (HN) — Iyada oo toddobaadyo un ay ka dhiman yihiin qabashada tartanka caalamiga ah ee kubadda cagta adduunka oo dalka Qadar uu marti-gelinayo sannadkan, waxay xukuumadda Dooxa doonaysaa inay fursaddan ku dhex baahiso dacwada Islaamka iyo farriimaha walaalnimada iyo wanaaga tilmaamaya oo uu Suubanaha NNKH ku booriyay umadda Islaamka meel walba iyo xilli walba oo ay ifka ku nool yihiin inay kula dhaqmaan naftooda iyo dadka la nool intaba.

Dhambaalladan ayaa ka tarjumaya naxariista, samafalka, deeqsinimada, acmaasha wanwanaagsan oo laga rabo qofka Muslimka ah inuu ku sifoobo. Waxaana lagu qoray boorar waaweyn oo lagu dhejiyay dhinacyada waddooyinka magaalada.

Markii ugu horreysay oo dal Muslim ah oo Bariga Dhexe dhaca uu marti-gelinayo koobka adduunka, waxay Qadar muhiimad weyn siinaysaa in dalxiisayaasha iyo kuwa jecel cayaaraha ee imaanaya dalkan yar ay fahmaan micnaha dhabta ah ee Islaamka iyo taariikhda qurxoon iyo shaqadii wanaagsaneyd oo uu Suubanaheenna NNKH ku guuleystay abuuridda duni ku dhisan cadaalad, sinaan iyo wada noolaansho.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!