crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Xidigta reer Faransa oo qaadatay diinta Islaamka. | HimiloNetwork

Xidigta reer Faransa oo qaadatay diinta Islaamka.

MUQDISHO (HN) — Marine El Himer, oo ah dhar-xayaysiiso iyo daadihiye barnaamij muuqbaahineed oo u dhalatay dalka Faransiiska ayaa qaadatay diinta Islaamka – iyada oo soo dhigtay muuqaal muujinaya qaadashada Shahaadada oo loogu qabtay gudaha Masjid.

Laba maalmood kaddib qaadashada Islaamka, Marine ayaa iyada oo xijaaban sawir kusoo gashay meel u dhow Kacbada ee magaalada Makka, sida ay kusoo warrantay Anadolou.

“Majiro ereyo iyo dareen aan ku micneyn karo farxadda iyo xasiloonida aan helay; Ilaahay ayaana ku mahadsan inuu igu hanuuniyay dhabbaha saxda ah,” ayay tiri.

Waxay intaas ku dartay in go’aankeedu uu ku saabsan bedqabka fiican ee doorashada ruuxdeeda, qalbigeeda iyo jiritaankeeda.

Waxay ku biiraysaa kumaankun Masiixiyiin iyo gaalo kale isugu jira kuwaas oo qaadanaya diinteenna Islaamka. Waxay uga mahadcelisay taageerayaasheeda iyo Muslimiinta guud ahaan ducada iyo garab istaagga ay u muujiyeen.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!