crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> 86 Qof oo sannadkan ku ISLAAMAY gudaha Masjidka Cambridge. | HimiloNetwork

86 Qof oo sannadkan ku ISLAAMAY gudaha Masjidka Cambridge.

MUQDISHO (HN) — Waa hanuun iyo hidaayo Alle qalbigooda la doonay; sida uu kusoo warramay Masjidka Cambridge Central, ku dhawaad 86 qofood ayaa taniyo bishii Janaayo ee sannadkan qaatay diinta Islaamka.

War qoraal ah oo lagu dhigay barta twitter-ka ee Masjidka ayaa lagu yiri; “Alxamdulillah, tobankii bilood ee lasoo dhaafay waxaa Ilaahay halkan ku hadeeyey 86 qofood. Labada bil ee sannadkan ka dhimanna waxaan Eebbe weydiisanaynaa inuu ka yeelo 100 qofood.”

Dadaalka Dacwada ee Masjidka waxaa garab weyn ka siinaya walaalo Muslimiin ah oo isu-kaashaday inay mas’uuliyadda ka saaran amaanada dacwada u gutaan si joogto ah. Waxaana badi dadka shahaadada loogu qabtay gudaha Masjidka.

Sannadkii 2017-ka, Hey’adda Pew Research ayaa tilmaantay in Islaamku uu yahay diinta ugu faafidda badan caalamka oo ay sannad walba kusoo biirayaan kumaankun dadyow ah oo diimaha kale heysta.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!