crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Xaafadda Hindiya oo Daanyeeradu wax ka leeyihiin Dhulkeeda. | HimiloNetwork

Xaafadda Hindiya oo Daanyeeradu wax ka leeyihiin Dhulkeeda.

MUQDISHO (HN) — Dadka ku nool Upla ee gobalka Maharashtra, dalka Hindiya ayaa ilaa hadda loo aqoonsan yahay deriska ugu fiican daanyeerada maadaama ay u sameeyeen deegaan ay gaar ugu nool yihiin oo aan lala lahayn ama aan loogu tagi karin nagaadi iyo degitaan labadaba.

Waa dhul ka caagan in dadku degaan. Waxaa keliya ku nool Daanyeerada. In kasta oo Hindiya ay qaali ka yihiin dhulka beeraha leh oo mararka qaar lahaanshahooda ay isku dagaalaan dadku, haddana taasi kama horjoogsan dadka Upla inay deegaan u abuuraan daanyeerada la nool.

Dhaqan ahaan, Hindidu aad bay u dhaqaaleeyaan daanyeerada; waxayna siiyaan cunnooyinka ay karsadaan. Laakiin waa markii koowaad taariikhda, oo ay dhul u gaar ah daanyeerada u sameeyaan.

Cabbirka dhulka oo lagu sheegay 32 acres ayaa daanyeerada siinaya xurriyad ay iskood si kelinimo ah ugu raaxaystaan. Waxaana loogu diiwaangeliyay magacooda.

Ku dhawaad 100 daanyeer ayaa hadda ku nool xaafadda. Tiradooduna aad bay isku dhintay madaama aysan aalaaba meel qura ku wada nooleyn.

Waxaa xusid, si kastaba, in daanyeeradani ay sidoo kale dhibaato dhac iyo weerar ah ku hayaan bulshada deegaanka oo mararka qaar ay raxanraxan usoo weeraraan.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!