HomeWararkaLa kulan - Ninka 46 Haween guursaday 88 jeer.

La kulan – Ninka 46 Haween guursaday 88 jeer.

MUQDISHO (HN) — Markii 88aad ayuu ninkan oo u dhashay dalka Induniisiya doonayaa inuu guursado. Wadarta guud ee dumarka uu guursadayna waxay gaarayaan 46 haween.

Isaga oo 14 jir ah ayuu soo bilaabay guursiga. Labo kaddib guurkiisa koowaad wuxuu jecleystay inuu tii uu arkaba guursado. Qaar badan oo haweenkiisa kamid ah wuxuu qabay sannado. Guurkiisii ugu dheeraa wuxuu jirsaday 14 sano. Qaar kale waxay gaarayeen bilooyin. Kuwa ugu yaryar waxay ku ekaayeen hal toddobaad.

Wuxuu sheegay in mar iyo laba jeer ka badan uu dib u guursaday haweenkii uu furay maadaama uu jeclaa. Laakiin inta badan mid kaliya kuma ekaan jirin. Waxaa dhici jirtay inuu labo iyo ka badan mar kaliya isla qabo oo ay u joogaan.

Hadda wuxuu doonayaa inuu dib u guursado xaas ay isugu dambeysay muddo sannado. Wuxuu sheegay inuu qabay muddo 4 bilood ah kahor inta uusan furin.

“Maadaama jaceylka aan isku qabno uusan dhammaanin, waxaan go’aansaday inaan dib ula midoobo.” ayuu yiri.

Himilo
Himilohttp://Himilonetwork.com
Zakariya Xasan Maxamed - waa helaha iyo mulkiilaha Shabakadda Himilo, qoraa, suxufi iyo geyfane u ol'oleeya arrimaha bulshada iyo degaanka. Wuxuu marqaatiga koowaad ka heystaa culuumta siyaasadda iyo maamulka.
RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments