Muqdisho (Himilonews) – Bahal dugaagga kamid ah oo dhurwaaga u eg~ Dhidar. Kasokow inuu yahay laayaan xoolaha dila, hadana baxaalli aan fiicnayn oo dhanka gabraarsiga ah ayuu ku sifoobay. Tiro ari oo kob ku sugan hadduu kusoo baxo, midna nolol kuma daayo. Intuu luqunta iyo araxda jebiyo kulligood; waa inta uu orod ku gaaro une, ayuu kii ugu horreeyey ee uu ...
Read More »Deegaankeenna
Q2aad: Wax Ka Baro Haramacadka
Muqdisho (Himilonews) – Haramcadku wuu wada cunaa gedi neefka ay hargaantaan ama ay qabsadaan. Wuxuu u kala tallaabaa keyma-roobaadka iyo bananka gabaahiirta ah. Si iskumid ahna wuu ugu gabraartaa. Wuxuu ku daran yahay dabaasha waloow sida Shabeelka uusan ahayn. Waa soohdinle. Wuxuu labku seereystaa inta u dhaxeysa 30—78km oo wareeg ah. Halka dhedigtana ay soohdin dhigato 15—16km oo wareeg ah. Waa ...
Read More »Q1aad: Wax Ka Baro Haramacadka
Muqdisho (Himilonews) – Haramacadku waa jaad Bah-dinnad kamid ah. Wuxuu leeyahay dhibco-dhibco madmadow iyo seyn dheer. Aad buu u dheereeya xagga orodka. Haramcadku oo kolkolna la yiraahdo Haramacas wuxuu dilyoodaa ugaarta. Bootinta dheer iyo orodka aan lagu xuurtoon ee uu Eebe ku galladay ayaa ka dhigtay inuu si fudud ku qabtimo ugaarta. Haramcadku, sida Shabeelka, dadka kuma dhiirrado. Haramacadku waa mid ...
Read More »Qeybtii 2aad: Wax Ka Baro Dhurwaaga “Waraabaha”
Muqdisho (Himilonews) – Dhurwaagu, siiba kan dhibcoolaha, wuxuu caan ku yahay cunista in kabadan 95% neefka ay dishaan iyo dhiirrinimada ay uga bursan karaan Haramcadka iyo Goosha dilanka ay cunayaan waloow lagu sunto inay yihiin gaatanto si fuleynimo ah ku ugaarata. Dhurwaagu habeenkii ayuu gabraartaa. Taas oo ka dhigan inuu guureeyo. Kolkolna subaxdii ayuu jabaqda ku hororaa. Marka inyar laga reebo ...
Read More »Qeybtii 2aad: Wax Ka Baro Shabeelka -The Tiger
Muqdisho (Himilonews) – Kolka ay dilanayaan xoolaha waaweyn, waxay doorbidaan inay rubadda ku dhagaan neefka oo ay miciyahooda xooga leh ku dhex-dusiyaan iyaga oo dhulka kusii gujinaya—jeer neefku uu qabsin-ood u dhinto. Habkan, wuxuu badi ku dilaa xoolo uu kamid yahay Lo’-duureedka—oo lix jeer ka culeys badan Shabeelka. Inkasta oo ay horor-dilan karaan noolaha waaweyn, hadana dhashooda ay doorbidaan inay dishaan. ...
Read More »Qeybtii 1aad; Dhurwaaga ama Waraabaha
Muqdisho (Himilonews) – Bahal Yeeyda xoogaa ka weyn oo hilibka cuna; mid uu disho iyo mid baqti ahba. Wuxuu leeyahay guud iyo ilko xoog badan oo laf kasta burburin Kara iyo laba lugood oo jeenyaha ka gaaggaaban—cagtiisuna afar suul bay leedahay. Wuxuu caan ku yahay ci’ sillan oo wiririxa iyo qosol dadka waalan u eg. ~ Waraabe. Labkiisa waxaa la ...
Read More »Wax Ka Baro Shabeelka–The Tiger
Muqdisho (Himilonews) – Dugaag ku nool Afrika, Aasiya iyo meelo kale. Midabkiisu waa cawl baro mad-madow ahi ku yaalliin; dhulka dhirta badan ayuu joogaa–geedahana wuu fuuli ogyahay. Xoolaha iyo ugaarta ayuu aad u laayaa; dadkana kolkol buu damcaa. Labkiisa waxaa la yiraahdaa Arbe; halka tiisa dhedigta ahna lagu magacaabo Shabeel. Shabeelku waa bah Dinad kan ugu weyn–kaas oo dhirirnimadiisa jireed ...
Read More »Boqor Keymaha oo Halis ku sugan
Kenya – Liic culus ayaa ku socda tirada Libaaxa ee ku nool Afrika gaar ahaan bariga Afrika. Ku sinnaan 1940-kii, tiro ku dhow 450,000 oo Libaaxyo ah ayaa ku noolaa qaaradda Afrika. Balse tiradaas ayaa kala bar hoos u dhacday sanadkii 1950-kii. Libaaxa oo xilliyada oo dhan isku taga ayaa sanadkii dhala celcelis ahaan 3–4 Cagabaruur. Cagabaruur waa magaca loo ...
Read More »Baxaalliga Maroodiga!!
Qeybtii 3aad: Maroodigu wuxuu cunaa xad-dhaaf dhir cagaaran ah. Maroodiga raxanta hoggaamiya, wuxuu cuni karaa in ku dhow 225 kg oo cunno ah maalintii. Maroodigu waa inuu cunaa oo uu cabaa in badan si uu haqab-beel uga dhigo jirkiisa qirada weyn. Maroodigu waxaa kale oo uu leeyahay laba Ganood oo faan-Maroodi lagu magacaabo aadna qaali u ah. Faantu way sii ...
Read More »Baxaalliga Fiidmeerta!
Muqdisho – Fiidmeertu ama Kobolligu waa noole aad naaxi ah. Waxaa laga mid dhigaa Naas-leeyda hadana shimbiraha ayay la muuqaal tahay. Waxay leedahay baalal—wayna ku duuli kartaa. Dhego aad u guud balbalaaran iyo fool u eg midka Jiirka ama Doolliga ayaa siisay humaag lagu dheygago. Baalasheeda waxay ka sameysan yihiin harag-weyd aad u jilcan; mana lahan dufta ama dhogorta shimbiraha ...
Read More »