Qeybtii 1aad; Dhurwaaga ama Waraabaha
Posted by: Zakariya
in Deegaankeenna
December 10, 2015
1,523 Views
Muqdisho (Himilonews) – Bahal Yeeyda xoogaa ka weyn oo hilibka cuna; mid uu disho iyo mid baqti ahba. Wuxuu leeyahay guud iyo ilko xoog badan oo laf kasta burburin Kara iyo laba lugood oo jeenyaha ka gaaggaaban—cagtiisuna afar suul bay leedahay. Wuxuu caan ku yahay ci’ sillan oo wiririxa iyo qosol dadka waalan u eg. ~ Waraabe.
Labkiisa waxaa la yiraahdaa Faqash; halka tiisa dhedigta ahna lagu magacaabo Dhoqosh.
Dhurwaagu waa sanku-neefle kamida qoyska Hyaenidae. Lakali noqoshada afar unug-dhamays “species”, waa midka shanaad ee ugu yar boyooloji ahaan qoyska miciyaleyda iyo mid kamida kuwa ugu yar-yar ee Naasleyda.
Tiiyoo saameyn hoose uu ku dhex-leeyahay saamiga guud, hdana Dhurwaagu waa gaar-jooge door muuqda ku leh badi hab-nololeedka deegaan ee Afrikada hodanka ah.
Inkastoo Dhurwaaga lagu daro bah Dinnad, hadana Dhurwaagu baxaalli ahaan wuxuu la sansaan yahay Eyga siyaabo badan. Eyga iyo Dhurwaaga labadaba, waxay wax ku dishaan ilkaha in kabadan gowsaha. Labaduba durbey wax ku cunaan, wayna keydsadaan in door ah. Lugo aan la libdhin karin iyo cidiyo aan la moosi karin ayaa u fududeeyey xawaareyn iyo rogaal-celis il-biriqsi ah.
Si kastaba, gaatin-socodka, dhoolla-tusnimada, dabci qallafnimda, koriimada hooyo-nimo iyo lamaansiga wuxuuu kala mid yahay baxaalliga bah Dinnada.
Xigasho–Buugga Duur-joogteenna oo uu qoray Qore Zakariya Hassan “Hiraal”
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
Related
2015-12-10
You must log in to post a comment.