Waanada Jaceylka
Posted by: Zakariya
in Dhanbaallada
December 10, 2015
1,463 Views
Muqdisho (Himilonews) – Qalbi walba oo hal-abuur noqda, wali waa dhantaalan yahay jeer dhiggiisu uu la talantaaliyo. Kuwa quudaraynaya inay maansoodaan waxay helaan maanso. Bilowga lahashada jaceylka, qof kasta waa hal-abuur.
-
Waxaan wax ku jeclaanay jaceyl kaas oo ka badan jaceyl. Sidaas awgeed, waan ku jeclahay waayo ifka oo dhan ayaa igu kaalmaynaya inaan ku helo.
-
Laba jaceyl ku sugan, iyagoo kaligood ah, kana soocan ifka oo dhan ayaa ah qurux iyo hoodo aan la heli Karin goor walba.
-
Waxaa jira labo hab oo lagu tirtirsiiyo kartida; cabsi iyo jaceyl. Marka aynu cabsanayno, waxaynu isku teednaa nolosha. Markuu jaceyl nagu dhashana, waxaynu ku furnaa iridaha nolosha deeqsinimada, diricnimada, rayn-raynta iyo aqbalaadda. Waxaynu u baahannahay inaan baranno inaan nafteena jeclaano kolka hore; Geddi galladeena iyo gobsanaanteenna. Hadii aan jeclaan Karin nafteena, si buuxda uma furi karno awoodda aan dadka ku jeclaan karno. Alkumasho iyo idil yididiilooyin ku dhisan duni habboon waxay jiiftaa dhiirrinimo iyo aragti niyad qurxoon oo dadka nolosha qirsan ay leeyihiin.
-
Kolka uu qof ku jecelyahay, habka uu ugu dhawaaqayo magacaada waa kala duwan tahay. Waa inaad ogaataa in magacaadu uu keyd ku yahay afkiisa.
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
Related
2015-12-10
You must log in to post a comment.