FARRIIMAHA JACEYLKA
Posted by: Zakariya
in Dhanbaallada
December 10, 2015
568 Views
Muqdisho (Himilonews) –
-
Waan ku jeclahay aniga oon ogayn sida, sababta, siyaabaha iyo sabada aan kugu jeclaaday. Sidaan ayaan kuu jeclahay waayo magaranayo si kale oon kuu jeclaado. Meel aysan jirin Aniga ama Adiga balse Innaga!
-
Jaceyl lumay wali waa jaceyl. Kaliya dhabbaha ayuu rogtaa. Kolka uuse dareenkiisa goonni-joognimada nugleeyo hanka qof kale; gocashadu waxay noqotaa lamaanahaaga. Waad shinsataa. Waad isku nabtaa. Waadna ku halqabsataa.
-
Hal erey;
-
Oo naga siibi kara tumaatida nololeed,
-
Naguna hagi kara surin nagaadi,
-
Waa JACEYL.
-
Dhabtii waysii adkaanaysaa. Waxaan kusocnaa inaan u shaqayno sidan dharaarta adag. Balse waxaan rabaa inaan sidaas falo maxaa yeelay adiga ayaan ku doonayaa. Adiga gebi ahaantaada ayaan ku rabaa; waligay… maalin walba. Aniga iyo adiga xilli kasta.
-
In wax lajeclaado waa in dhibane la noqdo. Waxna ha jeclaan cindigaadana waa inuu gebi-dhacleeyaa deedna guraa. Hadii aad rabto inaad ku xakamayso dhowrsani, qofna ha u hibayn; xitaa duunyada. In wax lajeclaado waa in dhibane la noqdo.
-
Hadii aan ubax sidan lahaa had iyo goor, adiga ayaan ku moodi lahaa. Doogga ayaan ku dul socon kari lahaa waligay.
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
Related
2015-12-10
You must log in to post a comment.