crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Wax Ka Baro Shabeelka–The Tiger | HimiloNetwork

Wax Ka Baro Shabeelka–The Tiger

Muqdisho (Himilonews) – Dugaag ku nool Afrika, Aasiya iyo meelo kale. Midabkiisu waa cawl baro mad-madow ahi ku yaalliin; dhulka dhirta badan ayuu joogaa–geedahana wuu fuuli ogyahay. Xoolaha iyo ugaarta ayuu aad u laayaa; dadkana kolkol buu damcaa. Labkiisa waxaa la yiraahdaa Arbe; halka tiisa dhedigta ahna lagu magacaabo Shabeel.
Shabeelku waa bah Dinad kan ugu weyn–kaas oo dhirirnimadiisa jireed lagu qiyaaso 3.38 mitir oo guud-mar ah; waa kolka uu fariisto misana uu addimada baxsado ama uu qumaati u sara-joogsado. Culeyskiisu wuxuu gaaraa 388.7kg. Wuxuu kamid yahay qoyska Panthera Tigris. Waa horor dile aragtida ku laaya ugaarta. Waa soohdinle meel goonni ah oo uu ku hargaanto seereysta. Waana kaligii-soolane walow wadar ahaantana uu isku raaco–una baahda aalaaba helidda ban-yaac ku filan oo uu ku hargaanto. 
Ku baahsanaanta meelo dadyowgu ku tira-bateen oo ifka kamid ah–oo uu ab ogaa kku ahaa–ayaa sababtay inuu iska hor imaad joogto ah kala kulmo Aadnaha. 
Tiiyoo culeyskiisu xaddi-dhaaf yahay, hadana Shabeelku wuxuu ordi karaa xawaare dhan (49-65) kilomitir saacadiiba. Wuxuu badi ku hargaantaa kali-kalinimo. Isaga oo gabraarta habeenkii. Taas oo ka dhigan inuu guureeyo. Hayeeshe, goobaha Aadmigu uu dhifta ku yahay, waxaa lasoo qayaxay inuu dharaartiina gabraarto.
-Gabraarsi-hargaanti iyo ugaarsi waa ereyo iska macno daba dhow.
-Kaligii-soolane–gaar jooge/ ama Saqandaaq oo ah Ugaarka duqoobay oo intta raxantiisa ka hara gooni iskaga daaqa.
-Bah Dinad–inta ku bahda ah Mukulaasha, bisadda ama Yaanyuurta sida Libaaxa, Haramcadka iyo Shabeelka.
Xigasho–Buugga Duur-joogteenna oo uu qoray Qore Zakariya Hassan Muhumed “Hiraal”
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com 
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!